Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sheekadii Ugu Xiisaha Badnayd Oo Dr Galaydh iyo Samatar Ku Dhexmartay Mareykanka.

Reading Time: 2 minutes

Samatar: War Cali bal ka warran Hargeysa, waan arkayey inaadan iga danbaynayne

Cali: War hooy Hargaysadu Hargeysadaan aqaannay maaha, reer Sheekh Isaxaaquna kuwaan aqaannayba maaha wuxu maxay ahaayeen.

Samatar: Nimanku weligoodba sidaasay ahaayeene innagaa bad doonanay oo xaqiiqada iska indha tirnay.

Cali: War hooy siyaasaddu meelo daran bay kula gashaaye, dee hadday inoo bixi weyday aan adkaysanno

Samatar: Oo wuxu ma sidanay u dhib badnayd, waa maxay waxan jaahiliinta ah ee aynu wax u doonanay miyaanay ina garanayn inaynu Professor-ro nahay?

Cali: War hooy siyaasaddu inta buugga iyo qalinka lagu dhigto way ka sino ballaadhan tahay, turunturrooyin badanna way leedahaye yaan lagaa garane xammil kaadhka.

Samatar: War nin yohoow wixii dhidid iyo hawl iga baxay, Manifestooyinkan qoray iyo Seminaaradii aan bixiyey, bal maxay igaga beddesheen? Waa maxay waxan saaqidiinta ah.

Cali: War hooy daf-daftaadii waan arkayey, iyo inaad cidla ku soo dhacayso. War hooy nimankan reer Sheekh Isaxaaq aad looma hor ordo. Aqoontaa iyo waxaa aad sheeganayso iyagu ma arkaane, wiil Gadubiirsi ah uun bay kuu arkaan.

Samatar: Waxayagii oo dhan baannu miiska saarnay, xisbigii Hiil Qaran baan cidla kaga tegey, wixii aan soddon sano u ololaynayey baan dhulka ku tuuray, Soomaalinnimadii iyo Xamarba xashiish baan ku sheegay, xaggaan imminka wax ka bilaabaa mustaqbalkayagii, sumacaddayadii iyo magacayagiiba way ku ciyaareen? Xaggaan aadayaa bal wakaase, Xamarna kala dhimanaye?

Cali: War hooy adigu naftaadaad ka hadlaysaaye Dhulbahantoo dhan baan dabka saaray, oo boqollaal wiil u dhinteen, Jilib-jilib baa birta la isaga aslay, degaannadaa aan ka imid inta shantii sano ee u danbaysay sababtayda usoo gaadhay iyo burburka ku dhacay taariikhda intay jireen kuma dhicin. Magaalooyin dhan baa rogmaday, haddana waxaas oo dhan maanta hungaan ka taaganahay. Siyaasaddu kelyo adayg bay u baahan tahay. War hooy hadda halkan waxaan u imid inaan “poltical repositioning” sameeyo fursad baan eegayaa inay meel ka abuuranto ama anigaaba mid abuuraya waan rogaal celinayaa meel ay noqotaba, ama Xamar ha noqoto, ama Hargeysa ha noqoto ama Garoowe ha noqotee, meelina igama xidhanto.

Samatar: Dee bal waayahaye rajaad i gelisaye bal aan wada soconno oo ila soo socodsii markii wax meel uun ka dhaqaaqaan.

Cali: War hooy nin cabanaya iyo nin calool jilicsan toonna wax ma wada galno, siyaasaddu waa khamaare waxaan ku odhan lahaa kama bixi kartide Macallinimadaadaa iska iimaanso. Dhaawaca hadda kusoo gaadhay baan arkaayoo intaa kabadan ma xammili kartide.

Samatar: Horta ninyohoow siyaasaddu waa runtaaye waa “dirty game”. So far I have made two attempts, tii Muqdisho waan kusoo qalbi jabay, tan u danbeyseyna ee Hargaysana I have no words to describe waxaan kala soo kulmay.

Cali: War hooy anigu weligay waan jabayey dagaalka siyaasaddana waan aqaanna mana hadho I will fight to the end. Wiilkaa is mahadiyey ee ina Biixina anaa jac la maaggan, rag is gurayee isagana waxaan leeyahay “wallee karis xumeey adna ku wax li’id”. Waad la socotaayoo kacdoon gudaha ah baa ka jiraa maamulkaas hargeysa waxna waan ogahay warar badanna waan hayaa.

Samatar: Ma laha waxaan maqli doonaa adoo maahmaahdaadii caanka ahayd ugu maahmaahaya Muuse Biixi.

Cali: Taasi teebay ahayd?

Samatar: in badan baan ku qar-qariyee “dabacad”

Cali: War hooy nimankiinaa qodatada ahi maahmaahaha dibida beeraha qodda iyo dameerahaad taqanniine malaha waxaad u jeeddaa “Ku qariyey qariyee Guncad”. Warhooy ammin baa la joogaaye qoladii state department-kana waan la ballansanayaaye nabad gelyo.

Samatar: Haye, haye, haye nabad gelyo.

Qoraa Sare Mohamed Ibrahim

Xogwaraysi Dhexmaray: Galayr & Samatar

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

STATEMENT OF SPECIAL REPRESENTATIVE OF UN SECRETARY-GENERAL TO SOMALIA MICHAEL KEATING TO UN SECURITY COUNCIL
- Jan 25, 2018
STATEMENT OF SPECIAL REPRESENTATIVE OF UN SECRETARY-GENERAL TO SOMALIA MICHAEL KEATING TO UN SECURITY ...
Maxamed Xaaji Aadan Shalay & Maanta (Video)
- Jan 24, 2018

Caruur wanaagsan hadaad rabto, fahan waaqica ay caruurtu ku korayso (Video)
- Jan 24, 2018
Assalamu Calykum Waraxmatullahi wabarakatuhu Waaqica ay caruurtu ku korayaan oo la fahmaa waxa uu horseedi ...
Barnaamij: Xarunta Agoonta Khadiija ee degmadda Xuddun (Video)
- Jan 24, 2018

Raaligelin ku socota akhristayaasha Lafweyne.com
- Jan 24, 2018
Dhammaan akhristayaasha sharafta muddan ee lafweyne.com, waxaan raaligelin buuxda ka siineynaa mudaddii 12 cisho ...
Sheikh Said Ali – Caruurtaadu in ay wanagsanaadaan ma rabtaa (Video)
- Jan 12, 2018

The Immigrant Who Prove Trump Wrong
- Jan 12, 2018
Friday January 12, 2018 [caption id="attachment_50016" align="alignnone" width="300"] Abdikadir Negeye, Assist. Director & Human Resources ...
Qaar ka mida Siyaasiyiinta Puntland ee kasoo jeeda G/Nugaal ayaa hadalkii Faroole ku tilmaamay fuulxumo iyo meel ka dhac! (Video)
- Jan 12, 2018

Isimadda SSC oo ka hadlay duulaanka Somaliland dagaalna iclaamiyey (Video)
- Jan 12, 2018

Faroole oo madaxweyne Cabdiweli Gaas ku tilmaamay nin is tustuska jecel dhulna aan difaacayn (Video)
- Jan 10, 2018

Waa kuma cadawaga koowaad ee dadka ka horjooga Quraanka?
- Jan 10, 2018
Assalamu Calaykum Barmaamijkii kan ka horeeyay waxa aan ku sheegnay in ay jiraan cudurdaaro wahmiya ...
Ugaadhyahan Siyaad Oo Arinta Tukaraq Baaq Cambaarayn Ah Ka Soo Saaray Xubno Bahararsamana Lagu Sheegay Inaysan…
- Jan 10, 2018

Xubno ku sugan magaalada Hargeysa oo taageeray weerarka Somaaliland ee degaanka Tukaraq (Video)
- Jan 10, 2018
Xubno degaan ahaan ka soo jeeda deegaanka Saaxdheer oo Hargeysa ku sugan ayaa iyagoo ...
Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullahi Ciise Nuur oo lagu caanashubay (Video)
- Jan 1, 2018
[caption id="attachment_49987" align="alignnone" width="300"] Garaad Cabdirisaaq, Suldaan Siciid iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.[/caption] [caption id="attachment_49984" ...
Djibouti: The Heritage Institute Somali Forum 2017 (Video)
- Dec 31, 2017

Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up