Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Sicir-bararka iyo Xirnaanshaha Dekeda Bosaso (Video)

Reading Time: 1

Mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo sicir-bararka iyo xirnaanshaha dekedda Bosaso oo maanta ka dhacay magaaladda ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed iyo hanti ballaaran oo la bur-buriyay.

Siday ay Horseed Media u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka Bosaso, laba qof ayaa geeriyooday , waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadayay. Wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro baabuur iyo hanti kale oo ay bur-buriyeen shacab caraysan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale u xaqiijiyay Horseed Media in qofka geeriyooday iyo labada qof ee dhaawacu soo gaaray ay ku dhacday rasaas ay soo rideen ciidamada booliiska ee joogay taliska booliiska gobolka bari oo ku yaal bartamaha magaaladda. Mudharaadayaasha ayaa marayay wadada hor-marta taliska Booliiska.

Dadka mudaahraadayada oo u badan ganacsatadii jeeblayaasha ahaa iyo shacabka caaadiga, ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee magaaladda, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid tahay  waa si deg deg ah loo furaa dekeda Bosaso,  dooni meeyno Shirkadda DP World iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada ka taagan xirnaanshaha dekeda. Dadkan ayaa iskood isu abaabuley, mana jirto cid isugu baaqday in ay dariiqyada isugu soo baxaan.

Mudaaharaadka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magalaada.

YouTube Preview Image

Dekedda magaaladda Bosaso oo ah isha dakhli ee ugu weyn ee maamulka Puntland, isla markaana ah dekedda ugu mashquulka badan dekedaha Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah xirnayd ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay ganacsatada iyo shirkadda lagu wareejiyay maamulka dekedda Bosaso ee P&O Port oo kor u qaaday khidmadihii laga qaadi jiray gaadiidka badeecaha sida ee ku soo xirta dekedda.

SRC: Horseed Media

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up