Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa maanta  booqasho ku tegay xarunta sool ee laaascaanood, waxaana uu  xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey halkaasi.

Madaxweynaha oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaaladda ayaa furay cisbitaalka guud ee gobolka Sool, waxaa kaloo  uu xariga ka jaray dugsiga sare ee boodhinka Laas-caanood oo isna dib u dhis ballaaran lagu sameeyey iyo 11 mashruuc oo laga hir-galiyey isla magaaladda laascaanood

Weftiga waxaa lagu soo dhaweeyay astaanka xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ku qaabilay dadweynaha degmooyinka Yagoori iyo Adhi-cadeeyey, iyaga oo Madaxweyne Axmed Madaxweyne Siilaanyo uu dadweynahaasi fagaare kala hadlay ugana mahad-naqay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulmeen.

Mashaariicda Madaxweynuhu maanta furay ayaa waxa loo qabtay munaasibad lagu daah-furayey oo ka dhacday xarunta dugsida tababarka Kalkaaliyeyaasha caafimaadka, munaasibadaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin tiro badan, ayaa waxa ka hadlay Maayarka Laas-caanood Mudane Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxaanu yidhi “Madaxweyne waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow degmada Laascaanood, waa nabad, waa barqaaqo, wax dhibaato ahi kama jiraan, aad iyo aad ayey xaaladu u wacan tahay, Madaxweyne waxaanu kaaga mahad-naqaynaa mudadii aad xilka haysay, waxa ay xukuumadda aad gadhawadeenka ka tahay ay ka hir-galisay, degmadan oo ah 13KM oo wado ah iyo buundo magaalada labadeeda daraf isku xidha, oo markii hore wakhtiga roobka dhibaato badan lagu qabay, wadooyinkaas mid ka mid ahna magaca Madaxweynaha ayaanu u bixin doonaa, guud ahaan gobolka Sool iyo magaalada Laas-caanood waxa ay xukuumaddu ka qabatay maaha wax la qarin karo.”

Guddoomiyaha gobolka Sool Khayre Dirir ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yiri “ Mudane madaxweyne cisbitaalka waxa la dhisay 1946-kii, maanta waxa aynu joognaa 2017-kii, mudada intaa le’eg, waxa aad tahay masuulkii ugu horeeyey ee nasiib u yeesha inuu cibitaalka Laascaanood dib u habayn iyo casriyeyn ku sameeyo, waana abaal aad gashay shacbi weynaha Somaliland gaar ahaana reer Sool. mudane Madaxweyne iskuulka boodhinka waxa la dhisay 1962-kii isna waa markiii ugu horaysay ee dib loo dhiso adiga iyo xisbigaaga KULMIYE waxaad noqoteen cidii u horaysay ee dib u dhis ku samaysa, shacabka reer Laascaanood way ka dharagsan yihiin cidii wax u qabatay, intii aad talada haysay is badal muuqda ayaa gobolkan ka hirgalay.”

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Salaabaan Ciise Axmed ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aannu maanta ka soo qayb galno, goob-joogna ka ahaano furitaankii iyo xadhiga ka jaristii cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo ah cisbitaal gobol iyo Iskuulkii boodhinka ahaa oo ah dugsi sare, waa laba mashruuc oo waaweyn oo lacag badani ku baxday, barnaamijka la yidhaa SDF ee sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa hirgaliyey.”

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu yiri “ Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta halkan imaado oo aan ka soo qayb galo xafladan aynu ku furayno cisbitaalka gobolka Sool iyo dugsiga sare ee Laascaanood ee boodhinka ah, in aynu mashaariic waaweyn dalka ka hirgalinaa waa waajib ina saaran, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa, wixii aanu ka qaban karaynayna waanu ka qabanay, Insha Alaahu waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo mashaariicdaasi, meel wanaagsan inoo mariyo.” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Booqashada madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxay ku soo aadaysaa toban sanno guuradii ka soo wareegtay markii ciidamadda Somaliland oo garab ka helaya maleeshiyaad degaanka ah oo uu hoggaaminayay Axmed Cabdi Xaabsade ay qabsadeen magaaladda laascaanood, oo hore ay uga talin jirtay dowladda Puntland.

Faafiin Horseed Media

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up