Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Reading Time: 1

Difaac oo qoriga qaado
Dalkaaga u hiili maanta
Dadkaaga badbaadi jaalle
Digtoonoow adigu boowe
Adigu diid xumaha saaka
Dareen oo toos walaalle
Na daadihi adigu eeddo
Durtaba na jihee abbaayo
Dumaashi dhaqaaji xoogga
Inaabti dadaal haddeerto
Dirgoo nakaxee adeero
Awoowe ducee hadhoowto
Dugaagga dadkeenna laayey
Dilaaga udayri huunno
War diida shabaabka diida
Soomaalaay diida diida

Diyaar garow muuji eegga
Dabada iska raaci heedhe
Dubaallada qiiqa saydha
Ka demi faynuuska daaran
Dabkiyo qorigiisa tuura
U diida nasashada u diida
Dayrkiyo gurigana u diida
Dalagga beeraha u diida
Duurkay gubayaan u diida
Dakhliga dhuxushana u diida
Nabee dekedaha u diida
War diida shabaabka diida
Soomaalaay diida diida

Dareeroo wada dhaqaaqa
Derdera cadowgeenna jiidha
Carabta na dagaysa diida
War diida dibibdaabyo diida
Itoobiya diida diida
Kenyada deriskeenna diida
Digifta Afrikaanka diida
Dareemoo xumaha diida
Dantiinna u toosa waaga
Difaaca dalkiinna hooyo
War diida dulliga idin saaraan
Dumista qarankeenna diida
Shabaab iyo Daacish diida.
Soomaalaay diida diida

Dugsiga ubadkeenna aaday
Hooyada danyartee jarmaadday
Dukaamada suuqa hoose
Daangada looskiyo saloolka
Digirta beegtiyo saliidda
Aabbaha daranyaysan gaajo
U foofay dillaalka saaka
Duubcadda culimadiyo shiikha
Kuwaa dabargooyey diida
Kuwaa dilay diida diida
Duqooshinka laayey diida
Shabaab iyo daacish diida
Soomaalaay diida diida.

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

STATEMENT OF SPECIAL REPRESENTATIVE OF UN SECRETARY-GENERAL TO SOMALIA MICHAEL KEATING TO UN SECURITY COUNCIL
- Jan 25, 2018
STATEMENT OF SPECIAL REPRESENTATIVE OF UN SECRETARY-GENERAL TO SOMALIA MICHAEL KEATING TO UN SECURITY ...
Maxamed Xaaji Aadan Shalay & Maanta (Video)
- Jan 24, 2018

Caruur wanaagsan hadaad rabto, fahan waaqica ay caruurtu ku korayso (Video)
- Jan 24, 2018
Assalamu Calykum Waraxmatullahi wabarakatuhu Waaqica ay caruurtu ku korayaan oo la fahmaa waxa uu horseedi ...
Barnaamij: Xarunta Agoonta Khadiija ee degmadda Xuddun (Video)
- Jan 24, 2018

Raaligelin ku socota akhristayaasha Lafweyne.com
- Jan 24, 2018
Dhammaan akhristayaasha sharafta muddan ee lafweyne.com, waxaan raaligelin buuxda ka siineynaa mudaddii 12 cisho ...
Sheikh Said Ali – Caruurtaadu in ay wanagsanaadaan ma rabtaa (Video)
- Jan 12, 2018

The Immigrant Who Prove Trump Wrong
- Jan 12, 2018
Friday January 12, 2018 [caption id="attachment_50016" align="alignnone" width="300"] Abdikadir Negeye, Assist. Director & Human Resources ...
Qaar ka mida Siyaasiyiinta Puntland ee kasoo jeeda G/Nugaal ayaa hadalkii Faroole ku tilmaamay fuulxumo iyo meel ka dhac! (Video)
- Jan 12, 2018

Isimadda SSC oo ka hadlay duulaanka Somaliland dagaalna iclaamiyey (Video)
- Jan 12, 2018

Faroole oo madaxweyne Cabdiweli Gaas ku tilmaamay nin is tustuska jecel dhulna aan difaacayn (Video)
- Jan 10, 2018

Waa kuma cadawaga koowaad ee dadka ka horjooga Quraanka?
- Jan 10, 2018
Assalamu Calaykum Barmaamijkii kan ka horeeyay waxa aan ku sheegnay in ay jiraan cudurdaaro wahmiya ...
Ugaadhyahan Siyaad Oo Arinta Tukaraq Baaq Cambaarayn Ah Ka Soo Saaray Xubno Bahararsamana Lagu Sheegay Inaysan…
- Jan 10, 2018

Xubno ku sugan magaalada Hargeysa oo taageeray weerarka Somaaliland ee degaanka Tukaraq (Video)
- Jan 10, 2018
Xubno degaan ahaan ka soo jeeda deegaanka Saaxdheer oo Hargeysa ku sugan ayaa iyagoo ...
Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullahi Ciise Nuur oo lagu caanashubay (Video)
- Jan 1, 2018
[caption id="attachment_49987" align="alignnone" width="300"] Garaad Cabdirisaaq, Suldaan Siciid iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.[/caption] [caption id="attachment_49984" ...
Djibouti: The Heritage Institute Somali Forum 2017 (Video)
- Dec 31, 2017

Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up