Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.

Reading Time: 3 minutes

Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd mashaariicdii faro ku tiriska ahayd oo ay dowladii hore ee Soomaaliya ka fulisay gobalka Bari oo mudo dheer la oron jiray gaari-waa.

Mashruuca Dekada Bosaaso ee dowladii AUN Maxamed Siyaad Bare ayaa ahayd mid aan weli la dhameystirin xiligii ay dhaceen dagaaladii sokeeyey iyo burburkii Qaranka Soomaaliya. Balse qeybta kowaad ee dekadaasi la dhisay ayaa noqotay mida ay ku badbaadeen shacabka ku dhaqan gobalada Puntland 26kii sano ee lasoo dhaafay.

Dekadan ayaa markii hore loo dhisay dhinaca dhoofinta xoolaha iyo kaluumeysiga, waxaase dekadan soo fuulay culeys weyn kadib markii dadyow badan oo kasoo qaxay caasimada Muqdisho iyo gobalada kale ay soo buuxiyeen gobalada hada la isku yiraaho Puntland, waxaa taasi u sii dheerayd adeega dekadaasi siiso gobalada dhexe ee Soomaaliya illaa iyo gobalka Hiiraan iyo qeybo kamid ah deegaanada Somaliland & Maamul deegaanka dhulka Soomaali Galbeed.

Marka loo eego dhismaha dekada iyo dhulka ay ku fadhido waxay aad uga yartahay dekadaha kale ee Berbera iyo Muqdisho. Balse goobta ay dekada Bosaaso ku taal ayaa lagu tilmaamaa inay ka wanaagsan tahay labadaasi dekadadooda, maadaama ay uga dhaw dahay dhulka ganacsiga soomaalida ku xiran yahay ee qaarada Aasiya.

Nasiib Xumo
Dekada Bosaso maanta maaha mid ay kusoo xaroon karaan maraakiibta waaweyn ee konteenarada xambaara kuwaasi oo hada ku dajiya rarkooda Berbera ama Muqdisho, taasi ayaa keenaysa in xiligan Dekada Bosaso aysan wax tartan ah mustaqbalka lasii geli karin dekadaha Berbera iyo Muqdisho oo horey u dhameystirnaa hadana loo qorsheeyey in lasii balaariyo.

Dhul aan lahayn dekad caalami ah waxaa adag in laga hirgeliyo maalgashi caalami ah, waana mida xiligan Puntland ay dooneyso inay wax ka bedasho si loo helo illihii dhaqaalaha ee soo jiidan lahaa maalgashi caalami ah.

Cabashada Deriska Dekada Bosaso
Waxaa jirta cabasho ka imaaneysa qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Bosaaso gaar ahaan kuwa guryaha ku leh nawaaxiga marsada oo ka cabsi qaba in dekada fidinteeda ay salfato guryahooda iyo hantida ay halkaasi ku leeyihiin.

Cabashadan waa mid ay dowladu xalin karto, walow ay xukuumada Puntland sheegtay inaan wax guryo ah la dumin doonin, hadiise ay dhacdo in loo baahdo in guryo la dumiyo waa inay dowlada magdhaw siisaa dadkaasi lacagtaasina laga bixiyaan 15kii milyan oo ay horey u bixisay shirkada DP world.

Ganacsato Dantooda Ka Fekeray
Dhinaca kale waxaa jira ganacsato u badan kuwa doonyaha kasoo rarta Dubai iyo carabta oo iyagu diidan in dakada la balaariyo iyagoo ka cabsi qaba in doonyahooda yar yar ay suuqa ka saaraan Maraakiibta waaweyn iyo nidaamka cusub ee DP world.

Ganacsatada doonyaha ee dantooda ka fekeray weli masoo bandhigin wax xal ah oo ay u hayaan shacabka Puntland oo ay ugu bedalayaan baahida hada ka taagan dekada Bosaso oo xiligan ka hartay tartantii ay kula jirtay dekadaha kale ee dalka ku yaal.

Siyaasiyiinta Muqdisho iyo Shirkada ALBayrak
Waxaa iyaguna maalmihii lasoo dhaafay dooda dekada Bosaso kusoo biiray siyaasiyiin fadhiya Muqdisho oo xilal ka haya xukuumada Federaalka ee Muqdisho ka shaqeysa, kuwaasi oo qaar kamid ah beelaha Puntland ku baraarujinaya inay ka horyimaadaan masharuuca dekada Bosaaso.

Si lamid ah ganacsatada dantooda eegtay waxay siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan iyagu arrintan uga danleeyihiin in la fashiliyo mashruuca horumarinta Puntland iyo isheeda dhaqaalaha ee Bosaaso taasi oo ay u arkaan mid sare usii qaadi doonta mustaqbalka isku filnaanshaha Puntland ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxaa siyaasiyiintaasi kamid ah xubnihii dekkada Muqdisho ku wareejiyey Shirkada laga leeyahay Turkiga ee AlBayrak oo iyadu hada maamusha marsada Muqdisho, shirkadaasi oo aan dakhligeeda xataa kusoo dhicin khasnada dowlada Federaalka.

Shirkada Albayrak ayaa u aragta dhismaha dekada Bosaaso mid khal khal ku keeni karta qorshaheeda fog oo ay dooneyso in dekada Muqdisho noqoto isha kaliya ee laga soo dajin karo konteenarada u socda gobalada dhexe illaa iyo qeybo kamid ah Puntland iyo dhulka Itoobiya maamusho.

Qorshaha shirkada DP World ee Dekada Berbera oo iyaduna la balaarin doono ayaa ah mid inta badan u adeegi doonto badeecadaha loo wado dalka Itoobiya halka qorshaha shirkada DP World ay tahay in dekada Bosaso ay adeegsadaan deegaanada gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo waliba ay noqoto xarunta konteenarada (Container Terminal) ay ku kala wareejistaan maraakiibta ka timaada dalalka kale ee Afrika illaa Koonfur Afrika iyo Qaarada Aasiya, taasi oo ay loolan u aragto shirkada Albayrak ee Turkida maamusha marsada Muqdisho.

Hadaba waxaan shaki ku jirin dekada Bosaaso faa’iido u tahay in la balaariyo, balse loo baahan yahay in dowlada Puntland ay si fudud u xaliso cabashooyinka dadka deegaanka iyadoo laga gaashaamanayo in arrintan isu rogto xiisad ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo shirkadaha loolanka kula jira Bosaaso iyo hormarka Puntland guud ahaan.

Waxaa hubaal ah in maamulku galay khaladaad badan oo la xiriira heshiiska dekadda, in aysan bulshada ka gadin oo wacyi gelin aanu helin heshiisku, in Xildhibanadii la rabey in ay saxaan heshiiska ay rideen xukuumadii oo dhan si dhanka jeebka loogala hadlo, waxay ahayd Xukuumaddu in ay shacabka markaas is xejiso, waxaa hubaal ah in heshiiskan uu khaladaad badan lee yahay sidaas darteed waa in la sameeyo guddi ka kooban qaybaha bulshada oo dusha kala socda hirgelinta heshiiska iyo turxaan bixintiisa.
Source: Horseed Media

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up