Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland Hal Qof Hal Cod: Riyo aan Dhamaan iyo Caqabado aan La Dersin -MAQAAL

Reading Time: 5 minutes

Puntland waxay soo gaartay wakhtigii laga dugbilahaa qaabka qabaa’ilka oo loo talaabsan lahaa wakhtigii qofkasta codkiisa dhiiban laha, waa wakhtigii hoos laga soo bilaabilahaa doorashooyinka oo lasoo dhilaan-dhilinlahaa nidaamka dimuquraadiyada, waxaan dhaqaale iyo wakhtiba gelindoonaa sida loosoo afjarilahaa qaabka qabaa’ilka ku salaysan ee Puntland ka jira maanta, waxaan dardar gelindoonaa geedi u socodka dimuquraadiyada, mudadda aan madaxweynaha ahayna waxay dhamaanaysaa iyadoo la gaaray wakhtigii qofkastaa dooran lahaa qofkii isaga metelilahaa” Waa hadalkii uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali gaas ka jeediyey Baarlamaanka hortiis maalin ka hor intaan loo dooran xilka Madaxweynenimada Puntland 2014.

Laga soo bilaabo asaaskii Puntland ee 1998, waxay madaxda iyo shacabka reer Puntland ku taamayaan in ay hirgeliyaan gaaraana nidaamka hal qof hal cod (Nidaamka Asxaabta Badan) kaasoo lagu soo dooranaayo saraakiisha xafiisyada dawladda (Public Officials) laakiin waxaynu ognahay 19 sano ka dib in aan weli arintaas la gaarin oo ay keliya ku hartay balan qaadyo ka yimaada madaxda Dawladda xilliga ay ku jiraan olalayaasha doorashada.
Hadaba, maqaalkaan waxaan ku eegidoonaa maxay yihiin caqabadaha hortaagan in Puntland gaarto hal qof hal cod? Maxaa loo baahan yahay si Puntland u gaarto hal qof hal cod? Maxay tahay faa’iidada aan ka dhaxli karno nidaamka hal cod hal qof? Iyo Talo Soojeedin

Hadaan sameeyo hordhac kooban oo ku saabsan isku dayadii ugu dameeyey ee ku saabsan nidaamka asxaabta badan ee Puntland.

Xukuumaddii Madaxweyne Faroole ayaa isku dayday sanadkii ugu damaysay muddadeedii in ay fuliso nidaamka asxaabta badan kaasoo dhamaan dadwayenuhu u arkeen in aysan suurta gal ahayn in nidaamkaas la fuliyo muddada dawladu haysatay oo yarayd owgeed. Isku daygii xukuumadii Faroole ee nidaamka asxaabta badan waxay dhalisay dhibaatooyin badan oo isugu jiray dhimasho, dhaawac dad iyo burbur hantiyeed, waxaa meelo badan lagu gubay sanaadiikhdii doorashooyinka halka meelaha qaarna aysanba gaarin.

Ka dib markii ay ku Xukuumaddi Faroole ku fashilantay qabashada doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadkii 2013, ayaa waxa doorashadii 2014 lagu galay nidaamkii hore ee Baarlamaanka, wuxuuna madaxweynihii la doortay (waa kan hada joogee) balan qaaday in aan mar dame lagu soo dooran doonin madaxweynaha Puntland nidaamka Baarlamaanka loona gudbo nidaamka asxaabta badan ee ah “ Hal qof hal cod”, taasoo hada aan waxba kasoo naasa cadayn.

Taariikhdu markay ahayd 15 Febaraayo 2016 ayaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas si rasmi ah ugu dhawaaqey qayb kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.  Sida uu qabo Dastuurka Puntland Madaxweynuhu waxa uu sharci u lee yahay in uu soo magacaabo 5 xubnood halka afarta xubnood ee kale ay soo magacaabayaan Golaha Wakiilada ee Puntland. Guddiga Doorashadu waxa uu ka kooban yahay 9 xubnood. Muddo yar ka dib golaha wakiiladu waxay soo magcaabeen afartii xubnood oo kale waaana la ansixiyey muddo kadib, waxay isla beryahaas u doorteen gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Weriyihii hore Axmed Kismaayo.

Ujeedada loo asaasay Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa ahayd in ay u diyaarshaan nidaamka doorashada Puntland sanad ka 2019, laakiin nasiibo darro Guddigu wax weyn kama qaban shaqadii loo igmaday.

Allowba iyadoo shaqo fiican aysan wadin Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa Bishii November 2016 waxaa xilkii iska casilay Gudoomiyihii guddiga doorashada kumeel gaarka ee Dowlada Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) isagoona sheegay in uu isu casilay arimo isaga u gaara.

Iscasilaadii Axmed Kismaayo waxay mudgi gelisay geedi u socodkii doorashooyinka Puntland, waxayna iscasilaadiisu sababtay in Guddigu uusan yeelay Guddoomiye muddo 9 bilooda oo xitaa aan xubintiisii la bedelin.

Bishii July 2017 ayaa madaxweynaha Puntland u magcaabay Cabdiraxmaan Diire Shuuqe xubbin ka midda guddiga doorashada oo lagu bedelay booskii Axmed Cismaayo. 30kii Bishii July 2017 ayaa Guddiga doorashooyinka kumeel gaarka ah ee Puntland (TPEC) u doorteen gudoomiyaha guddiga Cabdiraxmaan Diire Shuuqe kadib markii xilkaas uu iska casilay Axmed Maxamed Cali (Kismaanyo) 9 bilood ka hor. Cabdirixmaan Shuuqe oo madasha hadal ka jeediyey ayaa ballan qaaday inay dar dargalin doonaan howlaha shaqo ee guddiga horyaala, inkastoo ay adag tahay in uu wax bedelo taasoo ay sabab u tahay muddada yar oo ka harsan doorashada, dhaqaale xumadda iyo shaqooyinka hor yaala oo badan.

Hadaba, iyadoo doorashada madaxda Puntland ay ka harsantahay hal sano iyo shan bilood ayaa waxa adag in ay suurta gasho nidaamka hal qof hal cod maadaama aan wax yaabo badan oo loo baahnaa aan la qaban, caqabada haysta guddiga doorashiiyinkana ay badan yihiin iyo weliba Dawlada oo aanba u arkin muhiimada in la gaaro hal qof hal cod.

Maxaa loo baahan yahay si Puntland u gaarto hal qof hal cod?

Si loo gaaro nidaamka hal qof hal cod, Puntland waxay u baahan tahay in ay dhamaystirto dhamaan qodobadaan hoos ku qoran:

  • In la tirakoobo dadwaynaha Puntland.
  • In lakala xadeeyo degmooyinka iyo gobolada Puntland-maadaama marar badan la magcaabey degmooyin iyo gobolo cusub.
  • Diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sameynta kaararka aqoonsiga
  • Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyey
  • Dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah ee loola noqdo dhamaan khilaafaadka
  • Dhaqaale ku filan oo lagu geli karo doorasho dadweynuhu ka qayb-qaataan.

Hadaan qodobadaas la ansixin suurtagal manoqonayso in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal.
Caqabadaha hortaagan in Puntland gaarto hal qof hal cod.
Waxa jira caqabado dhowra oo horaagan nidaamka doorashada Puntland ayna ka midyihiin:

  • Dadweynaha oo hubaysan taasoona caqabad ku ah amniga doorashada.
  • Xuduudaha Puntland oo aan cadayn iyo meelo badan oo Puntland sheegato oo aysan ka talin.
  • Degmooyinka iyo Gobolada cusub oo aan kala xadaysnayn.
  • Xukuumadda Puntland oo ka cagajiidaysa fulinta nidaamkan.
  • Tirokooba dadweynaha Puntland oo aan lahayn.
  • Dhaqaale xumo.
  • Nidaamka oo guud ahaanba ku cusub deegaanadda Puntland.
  • Dastuurka Puntland oo aan loo qaadin afti dadweyne.

Maxay tahay faa’iidada aan ka dhaxli karno nidaamka hal cod hal qof?
Dhamaan wadamada horumaray waxay mar horeba hirgeliyaan nidaamka asxaabta badan ama doorasho hal qof hal cod. Hadaba, haddii Puntland ayka suurtagasho nimaadamka doorashooyinka xorta ah waxan ka dhaxlidoonaa faa’iidooyinkas soo socda:

  • In dadka reer Puntland doortaan qofkay u arkaan in uu katalinaayo aayaha iyo mustaqbalka Puntland.
  • Waxaa fududaandoona laxisaabtanka madaxa Dawlada maadaama ay yihiin kuwa dadku u dhiibteen jagada ay hayaan kana sugaaya in mar kale lasoo doorto.
  • Waxaa hagaagidoona shaqooyinka Dawlada maadaama Dawlada dadku la xisaabtamaayaan.
  • Waxa loo sinaandoonaa ka qaybqaadashada siyaada (Political Participation) iyo Dhaqaalaha (Economic freedom).
  • Doorashooyinka furan waxay sare u qaadaayaan xoriyada iyo demiquraadiyada.

Talo soojeedin:

  • In doorashada soo socota lagu galo nidaamkii hore ee Puntland kaasoo ahaa in Baarlamaanku doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, Baarlamaan kaasna lagu soo dhiso nidaamkii hore u jiray. Waa in aan la isku deyin in wakhtigaan la furu nidaamka asxaab badan casharna laga barto wixii dhacay sanadkii 2013 oo uu madaxweyne Faroole isku deyey in uu xoog ku qabto doorashada taasoo nabrihii ka dhashay aan weli ladaweyn.
  • In Guddiga doorashada ee hada jira shaqadiisa ka dhigto keliya in uu diyaariyo wixii nuqula oo muhiima kuwaasoo tixraac u noqonaaya Guddiyaga doorashada ee ladhisidoono wixii ka dameeya 2019-Haddii rabi dimo, ee uusan isku mashquulin qabashada doorashada 2019.
  • In aan la feragelin nidaamka lagu soo xulaayo Baarlamaanka Puntland 2019 si lamida tii ka dhacday Dawlada federalka ee Somaaliya 2016, loona daayo beel kasta in ay keensato cid ay u garato oo aan la oran waa la dooranaayaa xildhibaanka si la mida tii Dawlada Federaalka Somaliya.
  • In xildhibaanada imaandoona 2019 lagu xiro shuruudo adag oo sababikara in la soo doorto xildhibaano aqoon iyo karti leh una badan dhalinyaro.
  • In xukuumada imandoonta 2019 lagala shaqeeyo sidii looga gudbilahaa nidaamkaan iyaduna ka dhigato qorshaha koowaad ama ahmiyada koowaad.
  • In la ogaado in aan doorasho hal qof hal cod ah dhicikarin Puntland, haddaan la fulin qadobadan:
    • In la tirakoobo dadwaynaha Puntland.
    • In lakala xadeeyo degmooyinka iyo gobolada Puntland-maadaama marar badan la magcaabey degmooyin iyo gobolo cusub.
    • Diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sameynta kaararka aqoonsiga
    • Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyey
    • Dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah ee loola noqdo dhamaan khilaafaadka
    • Dhaqaale ku filan oo lagu geli karo doorasho dadweynuhu ka qayb-qaataan.
  • In awood buuxda la siiyo lana tayeeyo maxakamada sare Puntland.
  • In dhamaan shacabka reer Puntland hubka laga dhigi, maxaa yeelay inta dadku hubaynsan yihiin ma dhici karto in la qabto doorasho furan.

Qore: Maxamuud Ciise Yuusuf
Qoraa ka faalooda arimaha Siyaasada iyo Bulshada, Barena ka ah Jaamacadda Bariga Africa-Faraca Qardho.
mciise01@gmail.com

Source: Horseedmedia

Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo lagu dhawaaqay (Dhegeyso)
- Aug 7, 2017
Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland. Cabdi Xirsi Cali Xirsi Qarjab waasiirka waarfaafinta. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed ...
Baashe Maxamed Faarax oo Fara Cididood Kaga Badiyay Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (Video)
- Aug 6, 2017
Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ...
Barmaamij Gaar ah Dhaarinta Madaxwaynaha Kumeel Gaadhka ah ee Khaatumo Abdale Cali Haybe By Cali Dhegjar (Video)
- Aug 6, 2017

Tuugii sheekha caanka ah noqday iyo casharada ku jira” (Watch)
- Aug 6, 2017

Baashe Maxamed Faarax oo xisgiba Kulmiye badhitaarayo, iyo Cabdirahman Maxamed Talyanle oo Waddani wato, Saleebaan Yusuf Cali koore yaa taageeraya?
- Aug 5, 2017
Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in labada ...
Cali Khaliif “Cagalule Xamar baa laga soo cabeeyey”(Video)
- Aug 3, 2017
Prof. Cali Khaliif ayaa cabasho xaddhaaf ah hawada(Horn Cable) u mariyey saaxiibkiis Ahmed Siilaanyo ...
Afhayeenka degaanada SSC Faysal Cali Mas oo arimo badan ka hadlay (Video)
- Aug 3, 2017

Shacabka Laascaanood oo soo dhoweeyey xilka qaadistii Cali Khaliif  (Video)
- Aug 3, 2017

Maamulka Somaliland oo xidhay Kaniisaddii Hargeysa (Video)
- Aug 3, 2017

Xildhibaanada Baarlamanka Khaatumo Oo Xilkii Ka Qaaday Cali Khaliif (Video)
- Aug 2, 2017

Cali Khaliif oo Eryey Cabdalle Cagalule (Video)
- Aug 2, 2017
Kooxda Guurtida ayaa 7 bilood wadey tashi loogu talagalay in Cali Khaliif mar hadduu ...
GAROWE: SHIRKII BEESHA TANADE IYO QAAR KAMID AH ISSIMADA PUNTLAND OO KU DHAMAADAY NATIIJO LA’AAN
- Aug 1, 2017
  Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe uga socday Beesha Tanade Daarood (Leelkase) iyo ...
Dhiig baannu ka xignaa in Kaniisadda hargeysa ay hoos tagto tan Xamar!
- Jul 31, 2017
DHIIG BAANNU KA XIGNAA! Caynaanshe: War horta kaniisaddani maxaa sababay in Hargeysa waqtigan laga furo? Bullaale:War nin ...
Mudaharaad balaadhan oo lagu diidan yahay Cali Khaliif & Somaliland oo ka dhacay Buuhoodle (Video)
- Jul 31, 2017
Reer Buuhoodle "|Cali Khaliifow maalintii lagu baa layidhi Khaatumo & Khiyaamo ayaa jira, waanu ...
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ee Buhoodle oo tageeray shirka Buuhoodle (Daawo)
- Jul 30, 2017
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ayaa soo dhoweeyey shirka Isimada ee ay kun ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up