Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

GAROWE: SHIRKII BEESHA TANADE IYO QAAR KAMID AH ISSIMADA PUNTLAND OO KU DHAMAADAY NATIIJO LA’AAN

Reading Time: 2 minutes

 

Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe uga socday Beesha Tanade Daarood (Leelkase) iyo qaar kamid ah Issimada Puntland ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Shirka oo socday muddo Lix beri ah ayaa looga hadlayay xalinta tabasho ay sheegeen Beesha Tanade in ay ka qabto Gollaha Wakiiladda Puntland wuxuuna soo gaba-gaboobay Isniintii shalay galinkii danbe, iyadoo aysan jirin wax War ah oo shirkaas ka soo baxay iyo wax laysku afgartay, sida ay PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kal soonaan karo oo ka ag-dhawaa shirka.

Gogosha shirka oo ay dhigtay Beesha Tanade Daarood ayay kaga codsadeen Issimadii shirka ka qeyb galay in Dastuurka Puntland loo furo loogu kordhiyo Gollaha Wakiiladda Puntland 15 xubnood, balse Issimada ayaa sheegay in aysan awood u lahay hadda in ay wax ka badal ku sameeyaan Gollaha Wakiiladda Puntland oo ka koobkan 66 mudane.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo 25-kii July ka qeyb galay furitankii shirkan ayaa sheegay in Beesha Tanade ay difaaca iyo midnimadda Puntland muhiim u yihiin, ayna tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo tabasho Beesha ee Gollaha Wakiiladda Puntland, isagoo xusay in weli masuuliyada Puntland saaran tahay Issimada.

Shirkan ayaa ah shirkii labaad oo ku dhamaada natiijo la’aan, kadib markii shir ay beeshan la qaateen qaar kamid ah Issimada Puntland oo 24-kii July ka dhacay Garowe, uu isna ku soo gabo-gaboobay natiijo la’aan.

Dooda ah kordhinta tirada kuraasta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah Baarlamaanka Puntland, Siyaasiin reer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda Puntland, kuwaas oo dhamaantood ka digay in farogalin lagu sameeyo Dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka Puntland uusan ku dhisnayn qabiil balse uu ku dhisan yahay nidaam deegaan ama degmooyin.

Masuuliyiintaas waxaa kamid ahaa madaxweynihii horre ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl, General, Cabdulaahi Siciid Samatar oo xilal badan ka soo qabay Puntland iyo siyaasiin kale.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 60-aad ayaa qoraya “inta laga helayo tiro koob sugan, Gollaha Wakiiladda waxa uu ka koobnaanayaa 66 Xildhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah”, qodobkaas ayaa ka hor’imanaya qaabka hadda larabo in loo kordhiyo Gollaha Wakiiladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horey uga codsadey Gudoonka Gollaha Wakiiladda in la kordhiyo tirada Gollaha Wakiiladda Puntland, balse tiro ka badan 40 Xildhibaan ayaa arrintaas kadib saxiixay inaan la faragalin karin arrimo ku saabsan Dastuurka Puntland.

Kordhinta tirada kuraasta Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa waxaa dabada ka riixaya qaar kamid Xildhibaanada Puntland, waxaana kamid ah Xildhibaan Nuux Dheere oo ka tirsan Beesha Tanade, kaas oo dadaal ugu jiro qorshe uu kaga gaashaamanayo sii joogista kursigiisa Xildhibaanimo oo sida la rumaysan yahay kaga eg mudada xil hayntiisu marka la gaaro sanadka 2019.

Waxaa jira Beelo badan oo ku qatan habka saami qeybsiga Gollaha Wakiiladda Puntland, kuwaas oo iyagana uu saameyn karo haddii la kordhiyo.

Source:Puntland  Post

Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo lagu dhawaaqay (Dhegeyso)
- Aug 7, 2017
Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland. Cabdi Xirsi Cali Xirsi Qarjab waasiirka waarfaafinta. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed ...
Baashe Maxamed Faarax oo Fara Cididood Kaga Badiyay Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (Video)
- Aug 6, 2017
Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ...
Barmaamij Gaar ah Dhaarinta Madaxwaynaha Kumeel Gaadhka ah ee Khaatumo Abdale Cali Haybe By Cali Dhegjar (Video)
- Aug 6, 2017

Tuugii sheekha caanka ah noqday iyo casharada ku jira” (Watch)
- Aug 6, 2017

Baashe Maxamed Faarax oo xisgiba Kulmiye badhitaarayo, iyo Cabdirahman Maxamed Talyanle oo Waddani wato, Saleebaan Yusuf Cali koore yaa taageeraya?
- Aug 5, 2017
Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in labada ...
Cali Khaliif “Cagalule Xamar baa laga soo cabeeyey”(Video)
- Aug 3, 2017
Prof. Cali Khaliif ayaa cabasho xaddhaaf ah hawada(Horn Cable) u mariyey saaxiibkiis Ahmed Siilaanyo ...
Afhayeenka degaanada SSC Faysal Cali Mas oo arimo badan ka hadlay (Video)
- Aug 3, 2017

Shacabka Laascaanood oo soo dhoweeyey xilka qaadistii Cali Khaliif  (Video)
- Aug 3, 2017

Maamulka Somaliland oo xidhay Kaniisaddii Hargeysa (Video)
- Aug 3, 2017

Xildhibaanada Baarlamanka Khaatumo Oo Xilkii Ka Qaaday Cali Khaliif (Video)
- Aug 2, 2017

Cali Khaliif oo Eryey Cabdalle Cagalule (Video)
- Aug 2, 2017
Kooxda Guurtida ayaa 7 bilood wadey tashi loogu talagalay in Cali Khaliif mar hadduu ...
GAROWE: SHIRKII BEESHA TANADE IYO QAAR KAMID AH ISSIMADA PUNTLAND OO KU DHAMAADAY NATIIJO LA’AAN
- Aug 1, 2017
  Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe uga socday Beesha Tanade Daarood (Leelkase) iyo ...
Dhiig baannu ka xignaa in Kaniisadda hargeysa ay hoos tagto tan Xamar!
- Jul 31, 2017
DHIIG BAANNU KA XIGNAA! Caynaanshe: War horta kaniisaddani maxaa sababay in Hargeysa waqtigan laga furo? Bullaale:War nin ...
Mudaharaad balaadhan oo lagu diidan yahay Cali Khaliif & Somaliland oo ka dhacay Buuhoodle (Video)
- Jul 31, 2017
Reer Buuhoodle "|Cali Khaliifow maalintii lagu baa layidhi Khaatumo & Khiyaamo ayaa jira, waanu ...
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ee Buhoodle oo tageeray shirka Buuhoodle (Daawo)
- Jul 30, 2017
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ayaa soo dhoweeyey shirka Isimada ee ay kun ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up