Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhiig baannu ka xignaa in Kaniisadda hargeysa ay hoos tagto tan Xamar!

Reading Time: 2 minutes

DHIIG BAANNU KA XIGNAA!

Caynaanshe: War horta kaniisaddani maxaa sababay in Hargeysa waqtigan laga furo?
Bullaale:War nin yohoow citiraafkii baa adkaaday nimankan gaalaadna waa munaafiqiin oo waxay arkeen inaynu u nugul nahay way inoo hoos gasheen.

Caynaanshe: Oo xaggee bay hoos tegeysaa Kaniisaddani ma tan Ethiopia?

Bullaale: War mayee waxa la yidhi ta Xamar bay hoos tegeysaa

Caynaanshe: Xamar aa! Oo xamarna xaggay inaga soo gashay?
Bullaale: Waxa la yidhi Etoobiyaanku waa dariiqo kale.

Caynaanshe Oo gaaladuna ma dariiqooyin bay kala leeyihiin?
Bullaale War iyagaa ugu dariiqooyin iyo firqooyin badan!

Caynaanshe: Oo maxaa innaga Xamar inoo keenay, ma innagaa isku Gaalba ahayn? Nimankaasi Talyaani qadhmuun bay ahaayeen innana British baynu ahayne.
Bullaale: Waa taan la yaabbanahay. Waxa la ii sheegay in “Kaniisaddeenan Hargeysa” ay kasoo jeeddo dariiqada fadhigeedu yahay Talyaaniga ee la yidhaahdo Kaatooliga!

Caynaanshe: War bal yaabkan eega oo illeyn Kacaankii Afweyne meelna inooma dhaafin! Ma dariiqooyinkoodii bay xitaa inoo soo waarideen. Oo illeyn hoosba waynaan eegine meelina inooma fiyooba.
Bullaale: Waxa la ii sheegay arrintu inay Kacaankaba ka horreysey!

Caynaanshe: Oo maxaa beenta la inoogu sheegay oo loo lahaa nimanka Britishka ah waxooda lama hungureeyo. Nimanku dhiigba ma lahayne oo ma iyagoo soo taagan oo dalka xukuma ayaa “Talyaani qadhmuuni” Kaniisaddiisii ka dhistay Hargeysa?
Bullaale: War waxan Talyaaniga ahi waa wasakh, kuwaa Wanlaweyna ah ee aynu imminka iska furfuri kari la’nahay ayay la mid ahaayeen khiyaano iyo tuugo weligood kama waynaadaan.

Caynaanshe: Sidee hadda waxan isaka furfuraa, illeyn innagoo soo taagan oo 27 sano ka madax bannaanayn ayay hadda ina leeyihiin Kaniisaddiinnu tan Xamar ha hoos tagto.
Bullaale: Awol waxaynuba la yaabbanayn hawadiinnu tan Xamar ha hoos tagto, maanta haddii laynoola badheedhay Kaniisaduhuna ha is hoos tageen, dee arrintaasi talay u baahan tahay.

Caynaanshe: Talo waxaan ku soo jeedin lahaa intay Kaniisaddeenu tan Xamar hoostegi lahayd inaynu Kaniisadda gebigeedaba burburinno.
Bullaale: Daniba taasay odhan. Dhiig baynu ka xignaa Xamar in la ina hoos geeyo. War xitaa Shabaabkii baa Xamar hoos tegey, nimankani waxbaba ka tegi maayaan waa xaab qaad.

Caynaanshe: Ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa
Bullaale: Dib danbe tanoo kale u eegan mayno.

By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

 

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Fasting the Day of “Ashura”
- Sep 30, 2017
September 29, 2017 BY: AELFWINE MISCHLER ‘Ashura’ commemorates the day that Allah saved the Children of Israel ...
Waraysi: Madaxweyne Gaas oo hadlay Khilaafka Carabta, Go’aaka P/Land, Faragelinta DFS ee Galmudug & Qalbi-dhagax
- Sep 30, 2017

Faaqidaadda: Federaal Maku Habboon yahay Soomaaliya?
- Sep 30, 2017
Barnaamijka faaqidaadda waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay arrimaha federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya. ...
Beesha Warsangeli oo ku dhawaaqday urur ama Jabhad Sool Sanaag & Bari (SSB)
- Sep 28, 2017
Beesha Warsangeli oo sheegtay inay magacaabeen urur la yidhaahdo SSB, ururkan ayaa la sheegay ...
Tacsi ku Socota Qoyska reer Maxamed Talyanle
- Sep 28, 2017
INNAA ILLAAHI WA INNA ILLAAHI RAAJICUUN Abdirahman Mohamed Mohamoud(Talyanle) oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday dalka ...
Tacsi: Cabdirahmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo ku geeryoodey dalka India.
- Sep 27, 2017
Alle ha u naxariistee waxaa dalka India ku geeryoodey Cabdirahmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) xalay ...
Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf
- Sep 26, 2017
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo galabta kulan ku yeeshay magaaladda Cadaado ee ...
Gudd. Macow ” Cali Khaliif cidna xil uma hayo cidna ma magacaabi karo.” (Video)
- Sep 25, 2017
Macow Ahmed Cali gudoomiyey kuxigeenka golaha deegaan Buuhoodle oo Prof. Cali Khaliif eedeeyey kana ...
CAIR Community Advisory: What You Should Know About Muslim Ban 3.0
- Sep 25, 2017
Dear Community Members, Muslim Ban 3.0 (“MB-3”) was signed yesterday. We are reviewing it to see ...
Faysal Cali Waraabe oo ku xigeen u magacoday Axmed Cabdi Muuse (Video)
- Sep 23, 2017

Kenya Foreign Minister Amina Chawahir Mohamed Speech to UN General Assembly Sept 22,2017
- Sep 23, 2017
Amina Mohamed, Foreign Minister of Kenya, addresses the general debate of the 72nd Session ...
Somalia: PM Hassan Ali Khayre Speech at UNGA United Nations
- Sep 23, 2017

Gudd. Cabdifataax Cali Cawil ” Wiixii ku dhaca isagaa isu geystey.” (Video)
- Sep 23, 2017
Gudd. degmadda Buuhoodle Cabdifataax Cali Cawil oo waraysi gaar ah siinayay tv-ga SBSayaa ka ...
Doodii Jimcaha Maanta Ee BBC_ Somalia Doorashada Ku Celiska Ah Ee Kenya (Dhegeyso)
- Sep 22, 2017

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaaadka (Dhegeyso)
- Sep 22, 2017
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan ku eegeynaa, saameynta colaadda calalka Khaliijka iyo ciyaasadda Soomaaliya.
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up