Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Gaas: Waa In Dib Loo Cusboonaysiiyo Axdigii Lagu Dhisay Puntland 1998dii (Video)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo   maanta  khudbad ka jeediyay shirka isimada Puntland ee dib uga furamay Magaaladda Garoowe, kaasi oo ku saabsanaa  xalinta tabashada Beesha Tanade, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusoonaysiiyo axdigii lagu dhisay dowladda Puntland 1998dii

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay  in shirkani qabashadiisii  uu ku  yimid codsi ka yimid isimadda puntland qaarkood oo codsaday in la isugu yeero dhammaan isimadda si loo xaliyayo tabashada beesha ee ku aadan saami-qaybsiga gollaha wakiiladda Puntland oo beesha tannade ay saluugsan tahay qaybta ay ka heshay axdigii lagu dhisay Puntland 1998dii.

” waxkastaaba dib u cusoonaysiin ayay u baahan yihiin, 19 sanno  ayay hadda ku soo dhowdahay (puntland) in dib u yagleelno oo niraahno maxaa u qabsoomay , maxaa naga xumaaday, maxaa noo qabsoomay, xagee joognaa, xagee u soconaa, lagama maarmaan inay tahay ayay anniga ila tahay” ayuu yiri Madaxweynuhu

Madaxweynuhu wuxuuu soo hadal-qaaday isbedel lagu sameeyo dastuurka Puntland, isagoo xusay in loo baahan yahay in dastuurku uu  ka jawaabo  amuuraha iyo baahiyaha jiilkasta. Waxaa kaloo uu  sheegay inuu aaminsan yahay in tabashada beesha Tanade ay tahay  mid dhab ah, islamarkaana uu doonayo in laga jawaabo.

” Anigu ka Madaxweyne ahaan waxaan aamin-sanahay in tabashadaasi tahay mid dhab ah, Illahay hortii ayaan saas u leeyahay, xaashina ma-qareen isumanakiin yeedheen hadaanan aaminsanayn, laakiin ma’aha wax aniga gacantayda kujira, waxaan rabaa in laga jawaabo, si xaqiiqa oo dhaba aad uga  jawaabtaan, arrinta dastuurka, sidiisaba dastuur waxaa inaga inoo ah diinteena islaamka ( kitaab keena iyo sunadda Nebigeena Maxamed ”SCW” ), markaan ka hadalo datuurka aan qoranay, dastuur sidiisaba markay dawladdi dhigato waxaa la yiraahdaa  waa document nool (Living Documentry) maalintii  laqoruu dhintay ma aha, waa soconayaa waxaa la rabaa tariikh kasta iyo jiil kasta amuuraheeda, dhibteedda iyo tabashadeeda inuu ka jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Shirkan uga furamay isimadda Puntland Caasimadda Garoowe, waxaa ka maqnaa qaar kamid ah isimadda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed, Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdullaahi, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Islaan Bashiir islaan Cabdulle, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Bishii Maajo 2017 Xildhibaano aad u tira badan oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland ayaa  soo saarey baaq ay ku sheegayaan in aan la furi karin tirada Baarlamaanka ilaa tirakoob sax ah la helo haddii sidaas la sameeyana uu noqonayo albaab dhibaato oo la furay.

YouTube Preview Image

-HM

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Ismaciil Gamadiid Oo Ka Hadlay Xaalada Degaanada SSC (Video)
- Oct 30, 2017

Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullahi Ciise Nuur oo Garoowe si weyn loogu soo dhoweeyey (Video)
- Oct 30, 2017

Wasiirkii Warfaafinta ee Cali Khaliif~ Ahmed Xaaji Cali oo Iscasilay (Video)
- Oct 29, 2017
Gacan yarihii Cali Khaliif  ee arimaha warfaafinta  - Axmed Xaaji Cali ayaa iska casiley ...
Gogoshii Nabada ee Jiidali & Qodobo laga soo saaray (Video)
- Oct 28, 2017

Odayaasha degmadda Kalabaydh oo taageeray heshiiska Cali Khaliif iyo Siilaanyo ee shirkii Caynaba (Video)
- Oct 28, 2017

Faaqidaadda: Doorashadii Kenya ka dhacday shalay
- Oct 27, 2017
Dalka Kenya waxaa shalay mar kale ka dhacay doorasho ku celis ahayd, kadib markii ...
Taliyihii Cali Khaliif -Curi Adan Geele oo Iscasilay (Video)
- Oct 27, 2017

Dagaalkii Maanta ee Xafladdii Cali Khaliif ee Buuhoodle ka dhacay (Video)
- Oct 24, 2017

Waxgaradka Buuhoodle oo Ka Horyimid Heshiiskii Axmed Siilaanyo iyo Cali Khaliif (Video)
- Oct 23, 2017

Garaad Cabdirizaaq Garaad Soofe ” Cali Khaliif shirka Caynaba cidna kuma metelo.” (Dhegeyso)
- Oct 22, 2017
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah Isimadda deegaanada SSC ayaa BBC-da u ...
Dood ku saabsan qaraxii Muqdishu ee Oct. 14, 2017. (Video)
- Oct 22, 2017

Shacabka Buuhoodle oo ka Horyimi Heshiiskii Siilaanyo & Cali Khaliif (Vidoe)
- Oct 22, 2017

Prof. Galaydh “Somaliland haddaanay Puntland naga celin heshiiska aamini mayno. ” (Video)
- Oct 21, 2017
Cali Khaliif oo ku muusanaabay Puntland baan nagu duulaana, ee gacan nasiiya. War walaahay ...
Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up