Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Barnaamij gaar ah: Halgankii dheeraa ee gobonimadoonka iyo xoriyadii 1960 (Dhegeyso)

Reading Time: 10 minutes


somalia00Waa barnaamij gaar ah oo ka hadlaya halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyo xoriyadii ay Somalia ka qaadatay Gumeystayaashii reer galbeedka ee 1960kii.

Halgankii gobonimadoonka iyo xoriyadii 1960.

Cabdullahi Suldaan Timacade-Kaana Siib Kana Saar: Calan Saarki 26-ki June 1960-ki ~ G – Waqooyi

Abwaan Timacadde -2 oo markale kasoo baxay G. Waqooyi= Farxaan Ismael Maal (Farxaan Yare)

Iyadoo aannu xuseyno toddobaadkii xuska maalmaha xorriyadda soomaaliyeed ee 26ka Juun iyo 1da-Luulyo 2016, waxaa halkaan akhristeyaasha website-ka Radio Muqdisho ugu soo bandhigeynaa qormooyin aan kaga warrameyno taariikhda halgammadii xornimadoonka Soomaaliyeed oo kala ahaa :-

220px-Sayyid_Mohammed_Abdullah_Hassan

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1899—1920kii.

Taariikhdii Halgankii Imaam Axmed Ibraahim Gurey 1520—1543kii.
Taariikhdii Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1899—1920kii.
Taariikhdii Halgankii Ururkii Dhallinyarada ee SYL eey Xornimada ku dhaliyeen.
Dhammaan halgammadu waxay ahaayeen kuwo isku ujeeddo ah inkastoo waqtiga iyo xaaladaha  halgamayaashu wajahayeen kala duwanaayeen balse nasiib wanaag waxaa halgankii ku guuleysta ururkii SYL, in uu xornimo gaarsiiyo dalka 1da-Luulyo 1960kii, iyo israacii labada gobo lee Jamhuuriyadda Soomaaliya,  haddaba waxaa taariikhdaas idinkugu soo gudbineynaa hadba sidey u kala horreeyaan.

Halgankii & Taariikhdii Imaam Axmed Gurey 1920kii———-1943kii.

Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.

Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.

Axmed Guray, muddadii uu joogay magaalada Harar, wuxuu ahaa wiil yar, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu ahaa wiil firfircoon oo aad ragannimo iyo geesinimo uga muuqatay.

Axmed Guray, isagoo aan weli qaangaarin, ayuu aabahiis dhintay, dabadeedna waxay hooyadiis ay u soo qaaday magaalada seylac, wuxuuna halkaas ka sii watay barashada quraanka iyo diinta  islaamka.

Intii uu joogay Axmed guray, magaalada seylac, waxaa ka sii muuqatay ragannimo iyo inuu yahay wiil dadaal badan.

Markii uu weynaaday, waxaa markiiba ka muuqatay haybad iyo urursanaan, wuxuuna ahaa nin fikrad weyn oo dabiici ah oo dagaalyannimo, leh xeelada ku saabsan nidaaminta iyo ururinta ciidan dagaal.

Axmed Guray, wuxuu ugu horreyntii wuxuu ciidan aan badneyn ku ururiyay magaalada seylac, gadibna, wuxuu usoo guuray gobolka awdal la oran jiray.

Halkaas oo dowlada xoog lihi ka sameysneyd, wuxuuna sii watay ururinta ciidamada, muddo gaaban ka dibna, wuxuu isu keenay ciidan soomaaliyeed oo xoog leh.

Axmed guray, marka uu ururinayo ciidammada, wuxuu la socday in boqorka xabashida heshiis la galay,boqorkii burtaqiiska , si bortiqiisku gacan uga siiyo boqorka xabashida, sidii loo baab’in lahaa dadyowga islaamka ee geeska afrika deggan.

Sidaa daraaddeed, wuxuu dhinaca kale, kaalmo weydiistay dowladdii islaamka ahayd ee Turkiga.

Dowladda islaamka ee Turkiga, waxay ka ballan qaadday in axmed guray iyo dowladdiisa gacan weyn u fidineyso, hase yeeshee, kaalmadiisi uma dhigmeyn kaalmada uu burtiqiisku siiyay boqorka xabashida.

Axmed Gurey  dagaalladiisii kuwii ugu horeeyey wuxuu bilaabay  1521kii, hase yeeshe  mudda 7 sano ah dagaallada axmed gurey  iyo xabashida  dhexmaray  ma ahayn kuwo waaweyn,  waxaase jirtay in goobkasta ay guusha  ku raaci jirtay  Axmed Gurey dagaalladii  ugu waaweynaa  ee dhexmaray  Axmed Gurey iyo xabashida  waxay bilowdeen 1528kii  waxayna ka bilowdeen  magalada harar  geesteeda koonfur  beri, wuxuuna go’aansaday  axmed gurey  inu  xabashida dersi fiican siiyo, markaa kadibna xabashida ay Soomaalidu nabadgeliso.

Sidaa darted, Axmed Gurey wuxuu afka saaray  oo uu  u kicitimay gobollada  xabashida lahayd  oo ay ka mid ahaayeen  sidaamo iyo  baali wuxuuna qabsaday labadasi gobol  dhib la’aan  isagoo ku faafiyay xeerarkii Soomaalida.

Ciidammadii Axmed Gurey, waxay baabi’iyeen cidankii xabashida markii qabsaden  labada g obol  ee ugu waaweynaa uguna caansanaa dalka boqortooyada  xabashida  ee ahaa  shawa iyo goojaam.

Dowladda Bortaqiiska iyo Xabashida qasaaro weyn ayaa garay ayadoo lagu dilay taliyihii ciidanka bortuqiiska.

Dabadeed, mudo ayey isu ururiyeen ciidan iyo hub xoog leh si ay u aargoostaan,  waxayna 1543kii, soo qaadeen weerar dagaal, waxaase jilibka u dhigay  ciidammadii axned gurey oo celiyey.

Nasiib darrose ciidammadii Axmed Gurey, uma suurogelin  iney jebiyaan ciidammada 2aad  ee Bortuqiiska iyo Xabashida, waxaana halkaas lagu dhaawacay Iimaam Axmed Gurey

Dhaawacaasna ugu dambeyntii  uu u dhintay isla sanadka 1543kii.

Iimaam Axmed  Ibraahim Gurey, kadibna  ma aysan  ka abuurmin dalka Soomaalida  dowlado waa weyn  gaar ahaan gesta waqooyi  iyo geesta galbeed ee Soomaalidu degto

Dowladihii Seylac, Owdal  Harar iyo  meelo kaleba  wey baaba’een  waxayna noqdeen amiirro iyo suldaanno yar yar.

Xeebaha waqooyi ee soomaalida oo dhan, waxaana gacanta ku qabtay  oo xabashida ka hor istaagay dowladii islaamka ee turkiga  ee gacanta ku haysay.

Dalalka Masar iyo Suudaan  ilaa gumeystayaashii Ingiriiska, Xabashada iyo Faransiiska,  xoog u qabsadeen  dhulaalkii Soomaaliyeed  ee  Turkiga kor ka ilaalinayey .

Marki dowladdi weyneyd  ee Iimaam Axmed Gurey bur burtay  ka dib,  waxaa dhulka Soomaalida  ka abuurmay dowlado yar yar  oo ah  suldaamo iyo amiirro dhaxaltooyo ah ay ka taliyaan, oo ay ka mid ahaayeen  boqortooyinkii  Seylaac iyo Baali.

Ilaa Qarnigii 19 aad gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waxaa ka jiray dowlado aad uga horreeya dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana ugu taariikh dheeraa magaalooyinka:-

Muqdisho, Marka, Baraawe, iyo kuwa kale, balse markii dambe, waxaa qabsaday boqortooyadii Masqat, oo fadhigeedu ahaa dalka Cummaan, waqtigii uu boqorka ka  ahaa Sayid Saciid Barqash, kadib boqortooyadii Masqat, waxay u kala jabtay laba boqortooyo , mid xarunteedu tahay masqat caasimadda cummaan iyo mid xarunteedu tahay Sansibaar waxayna magaalooyinka Soomaalida ka mid noqdeen boqortooyadii Sansibaar,waxaana magaalooyinkaasi xukumi jiraiy nin waali ah, oo uu soo magacaabo boqorkii Sansibaar, waali kasta wuxuu lahaa ciidan oo uu isaga maamulo, una madax bannaan yahay ilaa billowgii Qarnigii 20 aad, xukunka gobollada banaadir iyo labada shabeelle wuxuu ku jiraiy boqortooyadii Sansibaar.

Gobolka Bari ee dhulka Soomaalida, waxaa Qarnigii 19 aad ka soo baxay laba boqortooyo oo aan aad u xoog badneyn, oo ay boqorro ka ahaayeen:- Boqor Cali Yusuf iyo Boqor Cismaan Maxamuud.

Gobolka Waqooyi galbeed, waxay ayana qarnigii 19aad, ka mid noqdeen xukunkii dowladdii islaamka ee Turkiga ee xukumayay xeebaha soomaalida ee xeebaha berbera iyo seylac, waxaana laga wada xukumi jiray magaalada seylac, waxaana markii dambe loo wareejiyay magaalada Harar ilaa burburkii dowladdii Turkiga.

Taariikhdii Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan  1899kii——–1920kii

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, markii uu Berbera ka soo degay 1895kii, isagoo xajka ka yimid, wuxuu tegay miyiga magaalada berbera isagoo fidinayo diinta islaamka, wuxuuna ku wacdin jiray inay dadku isnaacaan, isna diriraan.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, wuxuu heshiis dhex dhigay beelihii halkaas wada degganaa haddii ay colloobaan.

Sidaa awgeed, Ingriisku wuxuu Sayidka u arkeen ugu horreynba in uu yahay mid laga dambeeyo oo awood u leh  inuu xasiloonaan ka dhex dhalin karo beelaha Soomaaliyeed.

Kuxigeenkii Qunsulkii Ingriiska ee Berbera u fadhiyay, wuxuu xiriir joogto ah la lahaa Sayid Maxamed C/dulle Xasan, haddii Miyiga qas ama rabshad ka dhaco waa lala socodsiin jiray, waxaana laga codsan jiray inuu qaskaas wax ka qabto.

Ingriisku wuu ogaa in Sayidku leeyahay Xer badan, hase yeeshee, marnaba kama cabsaneyn kamana fileyn in uu halgan gobannimo doon ka billaabo geyiga Soomaaliyeed.

1899kii, waxaa soo baxay warar tibaaxaya oo magaalada Berbera soo gaaray Ingriiskuna uu maqlay in Sayid Maxamed C/dulle Xasan uu urursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulaamo, qabsado degmooyinka koonfur bari ee gobollada waqooyi.

Dowladda Ingriiska, waxay ku dhaqaaqday in arrintaa ogaato waxa ka jira run iyo been, hase yeeshee, uma suura-gelin in uu si sahal ah ku ogaado aqbaarta Sayidka , waayo dadka soomaalidu ee reer guuraaga ahaa  waa diideen inay ingriiska u xog warramaan haddii la wareysto.

12ka April 1899kii, Qunsulkii Sare ee Ingriiska Gashaanle Sare J. Hayes Dowsan, waxaa soo gaaray warar sheegaya in Sayidka Madax ka yahay Ciidammo hubeysan oo tiradoodu gaareyso Saddex Kun (3000) tabaabushana ugu jira duullaan ba’an oo uu ingriisku soo qaado.

Bishii Agoosto 1899kii, waxay ilaaladii Ingriisku sheegtay in Sayidku yimid magaalada Burco, isagoo  wata ciidan shan kun (5000) gaaraya, oo kun iyo shanboqol (1500) ka mid ah yihiin Fardooleey, isla markaana Saddex boqol oo ka mid ah haystaan Banaadiikh.

Magaalada Burco, waxay ahayd meel xagga  tabaha dagaalka aad ugu haboon, waayo, waxay lahayd biyo joogto ah xilliyada abaaraha.

Sayid Maxamed C/dulle Xasan, markii uu yimid wuxuu si barer ah ugu dhawaaqay inuu dagaal gobannimo doon ah ingriiska kula jiro, ciidankiisuna wuxuu ku magaacab (Daraawiish), wuxuuna faray beelaha Soomaaliyeed oo idil inay gumeysiga ingriiska la dagaallamaan.

Sidaa darteed, magaalada Berbera, waxaa soo gaaray warar cabsi leh oo sheegaya, in ciidammadii Sayidka ku soo dhow yihiin Berbera, markii ay soo galaanna ay gubi doonaan maalka iyo mowdka shisheeyuhu ku leeyihiin Berbera.

Arrintaas argagax iyo cabsi ayeey ku ridday Ingriiska iyo ganacsatadii Hindida ahayd ee halkaasi degganeyd, waxay xoolahooda iyo badeeco ah ku rarteen markab la oran jiray (Faalkoon) waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee uu Ingriisku gumeysto.

Shisheeyihii ku haray Berbera, habeen qura ma ladin hurdo, ilaa xeebta berbera ka soo gaaray laba markab dagaal, oo la kala oran jiray Medas dagaal, iyo Bahamas.

1dii-September 1899kii, Sayidka wuxuu warqad u qoray Ingriiska, oo uu ugu sheegayo inuu dagaal gobannimo doon kula jiray, uu doonayo inuu Ingriiska dalka isaga baxo, haddii kale dagaal isu diyaariyo.

Qunsulkii sare ee Ingriiska markii uu akhristay warqaddii Sayidka aad ayuu u carooday, waxaana Ingriiska u aqoonsaday Sayidka Nin ku shuftoobay xukunkiisa, wuxuuna digniin ku bixiyay Soomaalidii xukunkiisa ku hoos jirtay in ay ciqaab la kulmi doonaan haddii wax xiriir ah la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan.

Ingriisku, waxay Sayidka u baxsheen (( Mad Mullah)) oo macnaheedu yahay ((Wadaadkii Waalnaa)), waayo xilligaa gumeysigu waxaan miyir qabin oo isbiimeyn ah ayuu u haystay ciddii xoogga Ingriisku leeyahay isku daye inuu ka hor yimaado.

Billowgii Sannadkii 1900, Ingriisku wuxuu heshiis la galay Boqorkii Xabashida Boqor Mililig, waxayna ku heshiiyeen in ay wadajir Sayidka ula dagaallamaan, waxaana Bishii Maarso 1900, ka soo ambabaxay magaalada Harar ciidammo xabashi ah oo uu hoggaaminayay Sargaal Ingriis ah,waxayna 24kii Maarso Daraawiishta iyo ciidankii xabashida isku haleeleen Jig-Jiga halkaasoo ciidankii xabashida laga dhigay wax la dilay iyo wax la dhaawacay.

Bishii November 1900, waxaa magaalada Barbera yimid G/Sare Swayne, si uu hoggaamiyo duullaankii ugu horreeyay ee Sayidka lagu qaado.

G/sar, Swayne, waxaa loo xilsaaray in uu dhiso Ciidammadii Sayidka laga horgeyn lahaa, wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingriisku la lahaa Boqorka Xabashida, waxayna go’aan ku gaareen in ciidammo huwan ah oo daraawiish dagaaal ku qaadda la diyaariyo, waana la siyaariyay.

Ingriisku, wuxuu dagaakan ku waayay kumanyaal askar iyo saraakiil fara badan oo uu ku dhaaran jiray, waxaana ka mid ahaa G/lle-Philip, Dhamme, J.N. Arms, Dhamme,C.N.S.Cord iyo kuwo kale oo fara badan.

Marki Korneyl Swayne, dib ugu soo laabtay Berbera, wuxuu bixiyay xogwarrankan.

Waxaan aad ula yaabay sidey naftooda u biimeynayaan daraawiishtu, marnaba uma maleyneyn, ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaan gaarsiiisan tahay.

Daraawiishtu,waxay u badan yihiin niman xaasaskoodu,ciddoodii iyo maalkoodii ka soo tegay, si ay u noqdaan naftood hureyaal, waxayna qabaan amar ah in ay dilaan Ingriiska iyo askartiisa, qiimo kasta ha ugu kacdee ,iyagoo rumeysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaan in ay galayaan Janno.

Duullimaadkii kowaad, iyo kii labaad oo billowday 1899kii, waxay dhammaadeen 6dii-Oktoobar 1902dii.

Goobahii Ingriisku iyo Sayidku ku dagaallameen waxaa ugu waaweynaa, Af-Bakeyle,iyo Fardhidin.

Ingriiskku, intii ay socdeen labadii duullimaad ee hore, waxaa u kordhay waayo aragnimo dheeraad ah, waxayna ogaadeen xoogga daraawiishta, oo ah mid aan si sahal ah loo loodin Karin.

Ciidammadii Ingriiska, oo ay ka mid ahaayeen kuwii la oran jiray- Kings Afrikan Rifles, waxaa ku soo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen daraawiishta, oo aan cadowgooda u turin.

Haddaba,si loo qabanqaabiyo loona kiciyo duullaankii saddexaad, waxaa gobollada waqooyi ee soomaaliya yimid 23kii-Oktoobar 1903 Jeneraal W.H.Monning, isla markaana Dowladda Ingriisku waxay heshiis la gashay Talyaaniga, oo ay isku waafaqeen, in talyaanigu geesta bari ka soo weeraro Sayidka.

Sidaa darteed,laba markab oo kuwa dagaalka ah, oo Ingriiska iyo Talyaaniga kala leeyihiin ayaa xeebaha waqooyi iyo bari ku wareegsanayay si ay u sahmiyaan meel ay askartooda ka soo geliyaan sayidkana kala dagaallamaan.

16kii-Sebtempar 1903, wuxuu golaha wasiirrada ee dowladda Talyaaniga u ogollaaday in Ingriisku ciidammo uu leeyahay ka soo dejiyo magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Sidaa darteed,Ingriisku wuxuu go’aan ku gaaray in uu billabo duulimaadkii saddexaad, isagoo ciidammo xoog leh ka soo dejiyay magaalooyinka Berbera, iyo Hobyo, si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka iyo ciidammadiisa daraawiishta.

dagaalkii ka dhacay Gunburo 1903kii, wuxuu Ingriisku u bixiyay Raqdii Gunburo, sababtoo ah, goobtaas waxaa ka raacay guuldarro culus, oo lama hilmaamaan ah.

3dii- Julay 1903kii, waxaa dhammaaday duullimaadkii saddexaad, oo intii uu socday dagaalkii sayidka iyo Ingriiska bari iyo waqooyiba ku dagaaleen, waxaa ingriiska ka soo gaartay jugweyn, waxaana ingriiska uga dhintay saraakiil fara badan oo ay ka mid ahaayeen:-

G/sare, A.M.Ruthfor
G/dhexe,AW.D.Francis
Dhamme, ST.Albright
Dhamme, J.John Stewart
Dhamme,H.H Deb Morris
Dhamme, J.A goyorn
Dhamme,S.L. Mckinnon, oo dhammaan ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidammadii kala duwanaa ee Ingriiska ee dagaalka ka qeybgashay balse, naftooda ayey waayeen inay guul soo hooyaan iska daaye.
Guud ahaan, waxaa dagaalkaasi daraawiishtu dhegta dhiigga u dirtay 9 sarkaal, oo sarsare, oo ciidammada ingriiska hoggaaminayay iyo in ka badan 187 Askari, waxaa kaga dhaawacmay in ka badan 29 Askari, oo dhaawac xun soo gaaray.

Duulaankii Afaraad, oo ahaa mid ka xoog badan kuwii hore, oo ay ka qeyb galeen maraakiibta dagaalka, waxaa ingriisku go’aan ku gaaray in sayidka sidii dowlad xoog badan oo kale loola dagaallamo, waxaana loo xilsaaray Jenneraal Leyne fulinta duulimaadka afaraad, iyadoo ay la shaqeynayeen S/guuto Egertan iyo S/guuto Fasken.

Intii uu socday dagaalkaas waxaa sayidka gaarsiinayay Ingriiska khasaarooyinka fara badan iyo jab xoog leh, waxaana Ingriiska kaga dhintay saraakiil badan oo ay ka mid ahaayeen.

Dhamme, J.R.William
Dhamme, G.Estey
Laba Xiddigle, T..H. Auder iyo kuwo kale oo badan.
Goobahii la isaga horyimaad intii duullaanka Afaraad socday, waxaa ka mid ahaa:-

Beerdiga
Cagaarweyne
Daratoole
Jidbaale
Taar gooye iyo
Afbakayle
1904tii, waxaa Sayidka iyo Ingriiska dhexmaray heshiis oo uu hindisihiisu lahaa wakiilkii talyaaniga ee Soomaaliya ee la oran jiray Pesta laze, waxuuna nuxurka qodobadu heshiisku ahaa:-

In Sayidka la siiyo deegaan rasmi ah
In Sayidka dowladnimo gudaha ah loo oggolaado
In Sayidka xornimo iyo Madaxbannaani ganacsi la siiyo
In gobolka Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka laga faragelin.
5 Maarso 1905tii, ayaa Sayidka heshiiskaa hab ahaan u oggolaaday, isagoo doonayay in uu helo waqti uu isku dubarito ciidammadiisa, hubna raadsado iyo inuu ka soo kabto qasaaraha ka soo gaaray dagaalkii Jidbaale.

Heshiiskaasi markuu muddo yar dhaxalgal noqday, ayuu ingriisku billaabay inuu hubka baaro doonyihii Sayidka badeecadaha u siday.

Saydku wuxuu ingriiska u diray warqad uu ugu sheegayo in ay jebiyeen heshiiskii markii ay baareen doonyihiisu, wixii dhibaato ah ee ka dhashaa inay iyaga ka mas’uul ka noqon doonaan, wuxuun u sheegay in haddii la doonayo inuu sii socdo heshiiskii Pesti Lozze in la iisoo celiyo hubkii iyo sanaddii la iga dhacay.

Sayidku wuxuu si bareer ah ugu sheegay ingriiska mar haddii ay jebiyeen heshiiskii Pest Lozze, inuusan isaguna maanta ka dib dhowreynin, hadalkaasi oo Ingriiska u fasirtay in Sayidku doonayo in uu soo qaado dagaal hor leh.

Sidaa darteed,Ingriisku wuxuu isku dubaritay ciidan fara badan, oo Sayidka laga horgeeyo.

Dhinaca kale,1908kii, Baarlamaanka Ingriiska, wuxuu canaan kulul us oo jeediyay Dowladda, isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee uu ku biixiyay dagaalka lagu hoobtay iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.

Sidaa darteed, 30 November 1908kii, Wasiirkii Isticmaarka ee Ingriiska, usoo diray warqad Taliyihii ciidammada ka joogay waqooyiga soomaaliya, taasoo uu u sheegayo in aan dowlad aan Ingriisku hadda ku tala jirin dagaal lagu qaado Sayid Maxamed C/dulle Xasan.

Ka dib, dowladda Ingriiska waxay isku dayday in ay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii Boqoraddii Hindiya ay kula dhaqantay, oo ah inay maal badan iyo mushaar joogto ah siiso, lana gudbiyo Baarlamaanka, si uu u ansixiyo.

03 Maarso 1910kii,John Tilon, oo ahaa Wasiirkii Isticmaarka, wuxuu Baarlamaanka Ingriiska ka soo jeediyay hindise leysku raacay, oo ah, in Sayidka la siiyo Sannadkiiba Lacag dhan 2000 (Laba Kun) oo Istarliin oo Lacagta Ingriiska ah.

Hase yeeshee, Sayidka gaashaanka ayuu ku dhuftay, oo waa uu diiday, wuxuuna u sheegay Ingriiska, in uu doonayo oo keliya Gobannimo dalkiisii helo, Gobannimo aan gor-gortan geli Karin.

Bishii Agosto 1913kii, waxaa dhacay dagaalkii Dulmadoobe, oo ahaa kii lagu dilay Taliyihii Ciidammada Ingriiska oo la oran jiray (Richard Korfield) oo Soomaalidu u taqiinnay  (Koofil), ahaana ninkii Sayidku ku tiriyay Gabaygii caanka ahaa ee (Adaa Koofiloow Jiitoo dunnida joogeynee Adaa Jidkii laguu waday jimac lahayne), waxaa kaloo halkaasi ku geeriyoodayv Saraakiil badan oo Ingriis ah, oo uu ka mid ahaa Dhamme J.S.Summers.

Ingriiska, waxaa u muuqatay in dagaal bareer ah waxba sayidka lagaga qaadeyn haddii aan la beddelin tabaha hadda lagu socdo Sidaa darteed,

November 1918kii, waxaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya yimid guddi madax ka yahay General Hopkins, oo loo xilsaaray inay darsaan xaaladda Daraawiishta talooyin dagaalna ka soo siiyaan dowladda ingriiska.

Oktoobar 1919kii, Baarlamaanka Ingriiska, wuxuu go’aan ku gaaray, inay Sayidka sidii dowdlad xoog leh oo kale markale ula dagaalamaan, ayna duullaanka ka qeybgalaan Ciidammada dhulka, Cirka iyo Badduba.

Ciidammada Ingriiska ee Berrigu, waxba waa ka tari waayeen Sayidka, waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo Qalcadihii kale ee daraawiishta, maadaama Sayidku caan ku ahaa tabaha iyo taatikada dagaalka dhulka.

21 Jannaayo 1920kii, waxaa Ingriisku Sayidka ku soo kiciyay dayuurado dagaal, ka dib markii uu ku guuldareystay dagaalkii ciidankii dhulka, waxaa la duqeeyay xaruntii Sayidka ee Taleex, Jiidahii iyo xarumahii kale ee Sayidka, isagoo isticmaalayay Dayuuradaha Noocoodu yahay DHg.

Sidaa darteed, Daraawiishtu oo ahaa urur gobannimon, waxay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee dayuurado lagula dagaallamo Taariikhda Afrika iyo Caalamkaba.

Ka dib, Sayidka iyo Ciidankiisu waxay soo aadeen, dhinaca Koonfur.

25 April 1920kii, 16 casho oo socdaal ah ku soo gaareen Magaalada Qorraxeey oo xaruntii sayidka u jirtay 40 mile.

Sayidku, ergo kala duwan oo Ingriisku soo diray wuu diiday, taasoo ahayd in uu isdhiibo, hubkana dhigo, si loo nabadgeliyo, ergadaan oo isugu jirtay, Mashaa’iikh iyo Caaqillada beelaha deggan gobollada waqooyi ee soomaaliya, iyagoo waday warqad Ingriisku u soo dhiibay.

23kii Nov-1920kii, ayuu Sayidku ku geeriyooday Degmada Iimeey, isagoo marnaba ka samrin halgankiisii gobannimodoon ee uu soo waday 21-Sano.

W/D: Mursal

 

Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Tags: 

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo lagu dhawaaqay (Dhegeyso)
- Aug 7, 2017
Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland. Cabdi Xirsi Cali Xirsi Qarjab waasiirka waarfaafinta. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed ...
Baashe Maxamed Faarax oo Fara Cididood Kaga Badiyay Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (Video)
- Aug 6, 2017
Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ...
Barmaamij Gaar ah Dhaarinta Madaxwaynaha Kumeel Gaadhka ah ee Khaatumo Abdale Cali Haybe By Cali Dhegjar (Video)
- Aug 6, 2017

Tuugii sheekha caanka ah noqday iyo casharada ku jira” (Watch)
- Aug 6, 2017

Baashe Maxamed Faarax oo xisgiba Kulmiye badhitaarayo, iyo Cabdirahman Maxamed Talyanle oo Waddani wato, Saleebaan Yusuf Cali koore yaa taageeraya?
- Aug 5, 2017
Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in labada ...
Cali Khaliif “Cagalule Xamar baa laga soo cabeeyey”(Video)
- Aug 3, 2017
Prof. Cali Khaliif ayaa cabasho xaddhaaf ah hawada(Horn Cable) u mariyey saaxiibkiis Ahmed Siilaanyo ...
Afhayeenka degaanada SSC Faysal Cali Mas oo arimo badan ka hadlay (Video)
- Aug 3, 2017

Shacabka Laascaanood oo soo dhoweeyey xilka qaadistii Cali Khaliif  (Video)
- Aug 3, 2017

Maamulka Somaliland oo xidhay Kaniisaddii Hargeysa (Video)
- Aug 3, 2017

Xildhibaanada Baarlamanka Khaatumo Oo Xilkii Ka Qaaday Cali Khaliif (Video)
- Aug 2, 2017

Cali Khaliif oo Eryey Cabdalle Cagalule (Video)
- Aug 2, 2017
Kooxda Guurtida ayaa 7 bilood wadey tashi loogu talagalay in Cali Khaliif mar hadduu ...
GAROWE: SHIRKII BEESHA TANADE IYO QAAR KAMID AH ISSIMADA PUNTLAND OO KU DHAMAADAY NATIIJO LA’AAN
- Aug 1, 2017
  Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe uga socday Beesha Tanade Daarood (Leelkase) iyo ...
Dhiig baannu ka xignaa in Kaniisadda hargeysa ay hoos tagto tan Xamar!
- Jul 31, 2017
DHIIG BAANNU KA XIGNAA! Caynaanshe: War horta kaniisaddani maxaa sababay in Hargeysa waqtigan laga furo? Bullaale:War nin ...
Mudaharaad balaadhan oo lagu diidan yahay Cali Khaliif & Somaliland oo ka dhacay Buuhoodle (Video)
- Jul 31, 2017
Reer Buuhoodle "|Cali Khaliifow maalintii lagu baa layidhi Khaatumo & Khiyaamo ayaa jira, waanu ...
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ee Buhoodle oo tageeray shirka Buuhoodle (Daawo)
- Jul 30, 2017
Xubnaha golaha deegaanka ee dawlada Puntland ayaa soo dhoweeyey shirka Isimada ee ay kun ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up