Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Barlamaanka oo Ka Horyimid Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada.

Reading Time: 1

Gollaha wakiiladda dowladda ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in xubno dheeraad ah lagu kordhiyo barlamaanka Puntland oo haatan tiradiisu tahay 66 mudane.

Ilaa 62 xildhibaan oo iskood isku xilqaamay  ayaa saxiixay warqad ay ku diideen soo jeedinta madaxweynaha, taasi oo maanta loo gudbiyay guddoonka barlamaanka Puntland ee fadhigiisu yahay Garoowe.

Go’aanka ay ku diideen qorshaha madaxweynaha ayay xildhibaanadu ku sababeeyeen inuu dhaawacayo amniga iyo xasiloonida ka jirta degaamadda Puntland, inaysan xal ahayn iyo sidoo kale inaysan ahayn baahi la dabooli karo.

Barlamaanka Puntland oo la yagleeyay 1998dii ayaa lagu qaybsaday Gobolo, iyadoo xildhibaanadu ay ka kala socdaan 5tii gobol ee Puntland lagu asaasay iyo degmadda Buuhoodle.

Madaxweynaha Puntland ayaa toddobaadkan sheegay in warqad codsi ah u gudbiyay  guddoomiyaha barlamaanka  oo uu ku codsaday in la furo barlamaanka, laguna darro qabaa’ilka ka maqan ee reer Puntland.

Wuxuu sheegay inuusan garanayn wixii markii hore lagu saleeyay barlamaanka oo uu sheegay 50% beelaha Puntland ay ka maqan yihiin.

Dhinaca kale, xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in beelaha dega Puntland aysan ku dulmanayn dastuurka, balse xaqoodu ku maqanyahay gobolka, taasoo la macno ah in xildhibaanadu ku yimaadaan qaab gobol oo ku salaysan nidaamkii lagu dhisay maamulkan.

Gabagabdii, maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalooyinka Puntland iyo dalka dibadiisa ka dhacayay shirar ay beeluhu kaga arrinsanayeen kordhinta xubnaha barlamaanka, kuwasooo ka dalbanayay madaxweynaha Puntland  in barlamaanku loogu daro xubno iyaga matala.

-HM

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up