Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

War-murtiyeed Laga Soo Saaray shirkii wadatashiga Dastuurka Federaalka

Reading Time: 2 minutes

Shir wadatashi oo saddex maalmood magaaladda Muqdisho uga socday wasaarada Dastuurka federaalka iyo wasaaradaha dastuurka ee maamul- goboleedyada Dalka ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana gunaanadkii shirka laga soo saary War-murtiyeed.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka federaalka Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dhammaan dhinacyado ay ku heshiiyeen in la helo dastuur qaran oo dhameystiran si looga baxo dastuurka hadda ee jira ee ku meel gaarka ah.

wuxuu sheegay in in waxyaabaha shirka ka soo baxay ay ka mid tahay in la abuuro madal ay ku midaysan yihiin Wasaaradda arrimaha dastuurka Federaalka iyo wasaaradah Dowlad goboleedyada dalka, si buu yiri loo xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada ay arrimaha khuseeyaan

Qodobada lagu heshiiyay  waxaa ka mid ah in labo sanno gudahood lagu soo gabagabeeyo dastuurka federaalka, islamarkaana  la qabto shirar wadatashi saddexdii bilood mar

War-murtiyeedka oo Dhamaystiran:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

-HM

 CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

The legacy of the six-day war: Why Israel needs a Palestinian state
- May 19, 2017
More than ever, land for peace also means land for democracy. THE victory of Israel ...
Xil. Xiddig: “Ma nihin qolo Mucaarid ah ee waxaan nahay Xisbi” (Dhegeyso)
- May 19, 2017
Guddoomiyaha kumeelgaarga ah ee madal la magac baxday "Horusocod" Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa maanta ...
Barlamaanka oo Ka Horyimid Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada.
- May 18, 2017
Gollaha wakiiladda dowladda ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in ...
Madaxweyne Farmaajo ma dhisi doonaa mise wuu dumin doonaa Buundada Midnimada Soomaaliya ee inay dunto qarka u saaran?
- May 18, 2017
May 18, 2017 By Maxamuud Ibrahim (Xaaji) Sool iyo Sanaag waa Buundada Midnimada! Laga soo bilaabo sannadkii ...
Robert Mueller to head Trump-Russia probe
- May 18, 2017
Thursday May 18, 2017 [caption id="attachment_48282" align="alignnone" width="300"] Then Federal Bureau of Investigation director Robert ...
Barn. Dhaqanka iyo Hiddaha, (Halgankii Waddanimadda)
- May 17, 2017
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed ...
War-murtiyeed Laga Soo Saaray shirkii wadatashiga Dastuurka Federaalka
- May 16, 2017
Shir wadatashi oo saddex maalmood magaaladda Muqdisho uga socday wasaarada Dastuurka federaalka iyo wasaaradaha ...
SIYAASI KA HORYIMID IN LA KORDHIYO TIRADA BAARLAMANKA PUNTLAND (VIDEO)
- May 16, 2017
  Siyaasi Cabdi Waran-jaan oo ka mid ahaa sanadkii 1998-dii ergeygii gobolka Nugaal uga qeybgashay ...
Dr. Cali Khaliif oo sheegay inuu Somaliland kala hadlay inay mushaharo tan Puntland ka badan siiyaan ciidanka Buuhoodle!
- May 15, 2017
Siduu hore u sheegay Dr. Cali Khaliif wuxuu in muddo ah sidii masacagalayda saarraa ...
AFTER CONFERENCE, THERE IS RAY OF HOPE FOR SOMALIA
- May 15, 2017
May 15, 2017 By Mohamed Guleid, Standard Digital Last week an international conference on Somalia was ...
Shaqaalaha iyo waxgradka magaalada Taleex oo baaq ka diray xalaada MChka &Cusbitalka Taleex. (Video)
- May 15, 2017

Dhalinyarada Qurbaha Laga Kaxeeyo Ee Wadankii La Geeyo Ma Dhaqan Celisbaa Mise Waa masaafuris (Video)
- May 14, 2017
Dhaliinyarada iyo caruurta dhulkii lagu celiyo si “dhaqan celis” loogu soo sameeyo waa kuwama? ...
DP World oo Saami Ka Siiyay Dowladda Ethiopia Dekeda Berbera
- May 14, 2017
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen aadan Ciise (Deyr) ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo ...
Gudd. gurmadka degmadda Taleex oo baaq u diray Qurbajoogta, uguna baaqay in garoonka diyaaraduhu furan yahay.(Video)
- May 13, 2017
Axmed Cabdi-Shakuur oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka shuban biyoodka ayaa shir jaraaid ku qabtay ...
Ethiopian professor writes about Ethiopia’s policy of destabilizing Somalia
- May 13, 2017
[caption id="attachment_48232" align="alignnone" width="300"] Ethiopian foreign minister and outgoing Somali president Hassan Sheikh Mohamud.[/caption] February ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up