Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dr. Cali Khaliif oo sheegay inuu Somaliland kala hadlay inay mushaharo tan Puntland ka badan siiyaan ciidanka Buuhoodle!

Reading Time: 2 minutes
Siduu hore u sheegay Dr. Cali Khaliif wuxuu in muddo ah sidii masacagalayda saarraa fooqa Cabdi Gerey ee magaalada Buuhoodle si uu jiilaalka uga dhuunto, hase yeeshee markii roobku da’ay ayuu maanta hoos uga soo daadegay isagoo carcar hor leh wata.
Dr. Galaydh isagoo ka war haya in haddii roobkii da’ay la gaadhay waqtigii shirkii Isimmadu ku baaqeen loo qalab qaadan lahaa, ayuu ololihii shirkaa lagu baajin lahaa maanta qorshihiisii dejiyey.
Wuxuu magacaabay koox uu ugu yeedhay guddiga horumarinta, caawinta iyo arrimaha amniga. Guddigaasi wuxuu u asteeyey inay iyagu yihiin albaabkii Buuhoodle laga soo geli lahaa, wuxuuna saaray masuuliyad ah inay baab walba iyagu ka jawaabaan cid kale oo arrimaha Buuhoodle meteli kartaana aanay jirin. Arrintani waa inqilaab cad oo uu rabo inuu taladii kagala wareego Isimmada, cuqaasha waxgaradka, iyo guurtida Buuhoodle.
Waxyaalaha la yaabka leh ee dadka inta xogogaalka ahi ogyihiin masaakiintase lagu dagayo waxaa ka mid ah ereyo iyo xeelado dadka dhegahoodu maqlayeen shantii sano ee tegey inuu Dr. Galaydh maantana halkan kaga tiraabay.
1A) Shalay: Waxaynu maqli jirnay isagoo ku celceliya “waa inaynu taladeenna gacanteenna ku qabsannaa oo lugaheenna ku istaagnaa” caalamkoo dhan baa inoo diyaara waxa larabaa cinwaan laynagala soo xidhiidho iyo weel wax la inoogu shubo!
1B) Maanta: “INNAKA OO KELIGEEN AH MEEL ISMA TAAGI KARNO”!
2A) Shalay: Adduunweynahaa qaddiyaddeenna taageersan waana qaddiyad xaq ah, dawladda federaalkuna way inoo hiilisay Xamar waa laynaga jecel yahay.
2B) Maanta: ADDUUN WEYNUHU KOONFUR IYO WAQOOYI IN LOO WADA HADLUU GO’AANSADAY. Waxa is weydiin leh yaa yaqaanna “adduunweynaha” Cali Khaliif ka hadlo? Haddaad maqashaan Cali Khaliif oo leh adduunweynaha, dastuurka Khaatumo iyo goleyaasha Khaatumo intaasiba waa CALI KHALIIF LAFTIISA.
3A) Shalay: Ciidammo aynu innagu leenahay oo mushaharkooda bixinno waa inaynu dhisannaa oo lagaga maarmo kuwa maammullada hareeruhu gacmaha kula jiraan ee had iyo goor ina badhi fura.
3B) Maanta: Isagoo ka hadlaya ciidanka Buuhoodle jooga wuxuu yidhi “WAR WAA ULA TAGNAY [SOMALILAND] WAR ANNAKAA MUSHAHARADA UGA BADINAYNA [PUNTLAND]”.
Ujeeddada sawaxankan iyo ololahani waa siduu Dr. Galaydh u badhi furi lahaa shirka isimmadu iclaamiyeen ee la doonayo in dhowaan Buuhoodle lagu qabto oo dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn isugu imaan lahaayeen si ay dib ugu eegaan marxaladda la taagan yahay go’aan midaysanna loogu qaadan lahaa mustaqbalka dadka degaannadan oo hadda ay muuqato inaanay jirin mawqif siyaasadeed iyo maamul ay ku midaysan yihiin toonna.
Gebagebadii caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan dadka deaannadani inay tashadaan oo saxaan wixii hore uga khaldamay waa Cali Khaliif laftiisa.
YouTube Preview Image
YouTube Preview Image
 Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
 
 
Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Prof. Cali Khaliif oo Widhwidh uga soo Dhaaranaya Somaliland! (Videdo)
- Jul 5, 2017
Prof. Cali Khaliif ayaad moodaa inaanu wax badan kala socon siyaasada Somaliland.. balse maanta ...
BAAQ AY SOO SAREEN JAALIYADAHA SSC EE BENELUXE EE LAGU TAAGEERAYO ISIMADA SSC (VIDEO)
- Jul 5, 2017
BAAQ AY SOO SAREEN JAALIYADAHA SSC EE BENELUXE. Date 01/07/17 Baaq & Cambaareyn kasoo baxdey ...
Jaaliyada reer Norway ee SSC ayaa diidey kanasoo horjeestay heshiiska Cali Khaliif & Somaliland (Video)
- Jul 4, 2017
Jaaliyada Norway "Waxaa noo Cadaaday in Cali Khaliif weligiisba Somaliland ahaa." [youtube]https://youtu.be/Ck28YTiUJcw[/youtube]
Faysal Cali Mas ..” Waa maxay xilka gaarka ah ee Buuhoodle ka saaraan Khiyaamo~Khaatumo. “Video)
- Jul 4, 2017

Wahadahaladdii Khaatumo & Somaliland, maxaa ku cusub ama iska bedeley? (Video))
- Jul 4, 2017
Heshiiskii garabka Cali khaliif ee khaatumo iyo Somaliland oo war cusubi kasoo baxay. Somaliland ...
Weriye Maxamed Shaqalle oo ka waramay xadhiga loo geystey weriyeyaal ku xidhan magaalada Laascaanood (Video)
- Jul 3, 2017

Barnaamijka Xasuus Reeb: Prof. Cali Khaliif Part One: (Video)
- Jul 1, 2017

Buuhoodle & Maanta . (Video)
- Jul 1, 2017
Mudaharaad looga soo horjeedo wadahalka khaatumo~Somaliland iyo Somaliland oo Buuhoodle ka dhacay, waxaa sidookale ...
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha #377
- Jun 30, 2017
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed ...
Koox sheegatay Ciidanka Buuhoodle oo taabacsan Cali Khaliif Kana Digay in Shir Khaatumo Ka Dhan ah Buuhoodle Lagu Qabto (Video)
- Jun 29, 2017

Heerka Saamiqeybsiga Beelaha Somaliland, Liiska Shaqaalaha & Beelahay ka soo jeedaan (Video)
- Jun 29, 2017
Hoos ka daawo heerka Saami-qeybsiga Beelaha Somaliland & Sida Beesha dhexe isu-dulmiday+Liiska Xilalka Shaqaalaha ...
Hello Hargeisa, Here Comes Galaydh, Goodbye Union
- Jun 28, 2017
June 27, 2017 By Osman Hassan The final acts for breaking up Somalia have been the subject ...
Faysal Cali Waraabe “Gooni isutaaga Somaliland waa lama taabtaan.” (Video)
- Jun 27, 2017
Faysal Cali Waraabe "Walaalayaal heshiiska Somaliland iyo Khaatumo maaha mid loo tolay Khaatumo ee ...
Bayaan ay soo saareen Qurbajoogta, Xildhibaanada federaalka iyo Isimada Dhulbahante
- Jun 27, 2017
Bayaan-ka-soo-baxay-Qurbajoogta-xildhibaanada-iyo-Isimada-Dhulbahante.
Madaxweyen Farmaajo oo Khudbad Hambalyo ah jeediyey xafladda 26 June ee maalinta Xoriyada gobolada Waqooyi (Video)
- Jun 26, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad  ka jeediyey munaasibaddii 26-kii June ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up