Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Biyaha Laascaanood in shirkad ganacsi lagu wareejiyo ba’ hor leh, mise badhaadhe?

Reading Time: 3 minutes

Biyuhu waa waa adeeg daruuri u ah jiritaanka nolosha, waa adeeg ay tahay in nooluhu uu xaq uu leeyahay inuu helo si uu u noolaado. Waxa nasiib darro ah in laga dhigo badeecad suuqa lagu kala iibsado (commodity), khaasatan waddamada fakhriga ah ee dadka badankiisu aanay awoodi karin inay iibsadaan. Bulshadii aan ka haqab beelin biyaha waxay ka go’an tahay noloshooda, hadday tahay xag caafimaad, xag waxbarasho, xag wax soo saar iyo xag koboc dhaqaaleba.

Magaalada Laascaanood ayaa dhibaatooyinka haysta ee ay intay jirtay la daalaa dhacaysey waxa ka mid ah baahida biyo ku filan oo nadiif ah. Adeegga biyaha Laascaanood wuxuu markii ugu horreysey ku xidhnaa in laga soo dhaansado durdurka Laascaanood, waxaa xigtay in ceelkii Cali Barre, waxaa iyana xigtey Ceelkii Goojacadde. Dhammaan ilahan biyaha ee kala danbeeyey may ahayn ilo biyo nadiif ah, mana ahayn kuwo dabooli karayey baahida dadka magaalada oo marba marka ka danbaysa sii kordheysey. Marna ma aanay suurto gelin in biyo gelin dhammaystiran oo qasabado ah la gaadhsiiyo guri walba.
Haddaba tan iyo intii maamulka Somaliland la wareegay gacan ku haynta magaalada Laascaanood waxa jirtey inay dadka dhegahooda ay ka badatay qorsheyaal maamulkaasi wadey oo ku aaddan sidii magaalada Laascaanood biyo ku filan oo nadiif ah loogu heli lahaa. Ugu danbayn sannadkii 2015 ayay Wasaaradda Biyaha ee Somaliland la yimaaddeen qorshe ay sheegeen inay rabaan in lagu fulinayo sidii dhibaatada biya la’aanta loo soo afjari lahaa. Qorshahan iyo mid kaloo Berbera ahaa waxaa dhaqaalihiisa badidiisa ballan qaaday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund SDF.) Lacagtaasi ogaalkayga waa la qoondeeyey khasnad gaarana waa lagu shubay waxaana lagu daray qorshe sannadeedka iyo qorshaha horumarinta shanta sannadood ee Somaliland.

Haddaba waxaa isweydiin leh dhowr su’aalood; 1) Dhaqaalihii loo qoondeeyey biyaha Laascaanood xaggee ku danbeeyey? 2) Maxaa keenay in sannadkan 2017 qorshihii  biyo soo saaridda iyo biyogelinta Laascaanood lagu wareejiyo shirkad ganacsi? 3)  Dadka reer Laascaanood ee saboolka u badan dani ma ugu jirtaa biyo cid gaar u  leedahay oo laga ganacsanayo, mase awoodi karayaan inay iibsadaan?

 YouTube Preview Image
Su’aasha koowaad anigu wax jawaab ah uma hayo. Haddaan qiyaaso aragtidayda su’aasha labaad, waxay ila tahay in ganacsatadu ay arkeen fursad ganacsi oo macaash weyn laga heli karo inay ka bannaan tahay Laascaanood taasoo ah inay la wareegaan adeegga biyaha ee Laascaanood. Su’aasha saddexaad ee ah dadka saboolka ah dani ma ugu jirtaa, waxay ila tahay inay adag tahay inay awoodaan dadkaa danyarta ahi inay iibsadaan biyaha. Weliba dadka ugu liita dhaqaale ahaan ayay arrintani culays dheeraada ku sii noqonaysaa. Arrinta kale ee ganacsiyaynta biyuhu (commodification of water) iyo gaar u yeelashada biyuba (privatisation of water) iyo ku keli ahaanshaha shirkad qudh ihi (monopolisation)  waxay soo kordhinaysaa in shirkaddaasi ganacsi ee aan cid kale la tartamayni ay; a) qiimahay doonto biyaha ku iibiso b) Noocii ay doonto oo biyo ah ay soo saarto. Waxaan nooca uga jeedaa tayada (quality) biyaha ee keligood baa suuqa haystee. c) Maaddaama ay macaash doon yihiin ay soo saaraan baaxadday doonaan oo biyo ah iyagoo aan u eegayn mustaqbalka fog iyo saamaynta ay ku yelan doonaan jiilasha danbe (quantity of production).
Intan oo dhan waxaa sii dheer haddii ay biyo soo saaraan qoladan macaash doonka ihi waxa meesha ka imaanaysa inay is hortaagaan cid alla iyo ciddii hammi ka galo inay biyo bilaasha ah ka soo saaraan degaanka  Laascaanood ama hay’ado dawliya ha ahaadeen ama hay’adaha aan dawliga ahayn ee wax caawiyaba ha ahaadeene. Taasi waxay  keeni karaysaa in qoladan macaash doonka ahi ay sabab u noqdaan inay shacabka  masaakiinta ah ay iska hortaagaan inay helaan adeeg biyood oo bilaash ah (free water service provisions).  Waxaa kaloo u baahan in la is weydiiyo haddii biyaha degaanka Laascaanood ay isugu soo ururaan amaba isha ugu muhiimsani noqoto meel keliya, si kale haddaan u idhaahdo haddii biyuhu goob keliya isugu soo ururaan oo ay noqoto “meesha keliya ee awoodi karta in laga helo biyo haqab tiri kara dadka iyo duunyada degaanka” meeshaasna ay qoladan macaashdoonka ahi “ku habsato” oo mulkido!
Waxaan kusoo afmeerayaa in dadaka reer Laascaanood iyo maamulka Somaliland ee  hadda gacanta ku haya Laascaanoodba ay arrinkaa dib uga fiirsadaan oo dood shacab laga furo oo la is barbardhigo khasaaraha iyo faa’iidada ugu jirta bilshoweynta (cost benifit analysis). Dadka reer Laascaanood waa inay is abaabulaan oo dood shacab ka furaan maamulka ay hoosjoogaanna ay culays ku saaraan sidii arrintan wareejinta ah (privatisation) dib looga noqon lahaa.  Dadku iyagaa xaq uleh inay ka doodaan arrinkan oo taladooda ka dhiibtaan, waa noloshoodii, waa naftoodii, waa caafimaadkoodii, waa hantidoodii, maaha iyagoo soo taagan in korkooda lagu heshiiyo.
Wasiirka Biyaha ee Somaliland oo isagu degaannadan ka soo jeedaana waa inuu arrinkan si qoto dheer uga fekeraa ee aanu go’aan keligiis ah qaadan waa haddii uu wax ka ogyahay arrintan adeeggii bulshada loogu wareejiyey shirkad macaashdoon ah. Waxaan kaloo wasiirka xaq loogu leeyahay meesha ay martay lacagtii loo qoondeeyey in biyaha Laascaanood lagu soo saaro ee ay bixisay Sanduuqa Dhaqaalaha Somaliland (SDF). Lacagtaasi isaga way ka horreysey, wuxuuse samayn karaa awoodna u leeyahay inuu ka daba tago meesha lacagtaasi martay, haddii la hayo iyo haddii kale. Waxa kaloo xaq loogu leeyahay inuu xogta lacagtaas la soo socodsiiyo dadka uu magacooda meesha ku joogo ee uu sheegto inuu metelo.
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up