Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

M&M: Tolow ilaa goormaa sidan loo kala lulanayaa?

Reading Time: 2 minutes

Xalay waxaan iska raacay dad Soomaaliyeed oo badan oo wada jibbeysan oo ka amababaxayey Galbeedka London si ay usoo dhoweeyaan Madaxweynahooda. Markaanu tagnay gegida diyaaradaha ayaa la kala baxay qof waliba wuxuu hoosta kala soo baxay Calan Maamul Goboleed. Koox waliba dhinac bay isugu baxeen iyagoo raacaya meesha astaanta calankoodu ka muuqato. Mise aniga keliya ayaa meel cidla ah taagan!

No automatic alt text available.

In muddo ah ka bacdi ayaan arkay qolo kale oo wadata calankii Soomaaliya. Qoladii ayaan xaggooda aaday, mise cid aan gartoba ma laha! Waxay qoladani dhammaantood cunayeen shukulaato isku wada mid ah oo ay ku qoran tahay M&M! Waxay kaloo wateen sawirrada Madaxweyne Farmaajo iyo raysalwasaare Khayre. Waxaan weydiiyey iyagu cidday ahaayeen waxayna noqdeen Mar…..n iyo Mur…..e (M&M). Waxaan weydiiyey oo mar hadday M&M keliya yihiin maxay calan gaara u samaysan waayeen? Waxa la iigu jawaabay “qoladii naga horreysey ee Maj……n iyo Mud….d (M&M) waxay ka tiirin jireen madaxdooda annaga kuweennaan ka tiirinaynaa”. Dabadeed gabadh baa ila kaftantay shukulaatadiina ii soo taagtay oo tiri “fiiri laakiin, annaga qoladii naga horreysey waxaan uga fiicannahay shukulaatada dadka kale waxaan uga ogollahay”Anna kaftan baan ugu jawaabay oon ku idhi ‘ma maanta keliyaad shukulaatada wax ka bixinaysaan? Waxaan kaloo sii raaciyey inaad wax ka bixisaan gartaye, in la idin la yeesho ma ogoshihiin?

Intaa dabadeed waan fekerey hareeraha ayaan fiiriyey, waxaan raadiyey bal inaan raadiyo qolo xaafaddayada ah oo aad xafladaha iyo soo dhoweynta caan ugu ahayd oo “Khaatumo” la odhan jirey, mise qof dhaqaaqaaba kama joogo. Telefoonkii ayaan diray rag iyo haween kadiriinta Khaatumo aan ku ogaa ayaan wacay. Waxay iyagoo yara xanaaqsan ii sheegeen “odaygii [Cali Khaliif] ayaa nagu yidhi wadahaddallo ayaan Somaliland la wadaa meel fiicanna wax waa ii marayaan Garaaddadiina Imaaradkay wadahadalladaa ujoogaan markaa yaan qof idin ka mid ahi soo dhoweyntaa London ka qayb gelin!” Qoladan Khaatumo waxa iiga soo baxday inay ku jiraan jaahwareer (dilemma). Dhinac Cali Khaliif ka tiiriya ayay is leeyihiin, dhanka kalena waxay si aad ah uga cadhaysan yihiin xafladayntaas iyo soo dhoweyntaas ay ka baaqdeen.

Ugu danbayntii anoo isla sheekaysanaya oo cagajiid ah oo garan la’ ciddaan ahay (identity crisis) ayaan tareen gundhada soo jaray. Somaliland ayaan soo xusuustay intaan tareenka la soo socday, laakiin iyana waxaan kaga quustay waraysigii Wasiirkooda Arrimaha Debedda Dr. Sacad oo yidhi annaa shirkaasi nama quseeyo waddanka aannu jaar nahay oo ee “Soomaaaaliyaa” ayaa loo qabanayaa, haddana sii raaciyey wixii manfac ee ka soo baxa ee magaca Soomaali ku soo baxa qaybtayadaannu ka rabnaa.

Dabddeedna waxaan tareenka kasoo degey anoo isla hadlaya oo naftayda ku leh ‘TOLOOW ILAA GOORMAA SIDAN LOO KALA LULANAYAA”

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Talo soo jeedin: Garaad Jaamacoow Khaatumo laba maaha!
- Jun 18, 2017
Waxaan dhegeystay shalay 17/06/17 mudane Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka soo horjeestay heshiiskii ...
Baasha Maxamed Cadde oo soo dhoweeyey heshiiska Cali Khaliif iyo Somaliland “Waxaynu doonaynaa Somaliland oo israacda iyo tabashada oo la xalilo.” (Video)
- Jun 18, 2017
Baashe Maxamed Cadde  " Heshiiskan waa soo dhoweeynaynaa waa waxaanu doonayney, waa waxaanu halkan ...
THE GUURTI OF KHATUMO STATE OF SOMALIA’S POSITION ON TALKS WITH SOMALILAND
- Jun 18, 2017
June 17, 2017 Press Release The Khatumo State of Somalia  was formed on 12 January 2012 ...
Qisadii ninkii boqolka qof dilay – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay (18)
- Jun 18, 2017
ssalamu Calykum Diinta Islaamku waa diinta rajada. Diinteena qofku si kasta oo u  albaabka rajada ...
Barnaamij Ku Saabsan Socdaalka Cali Khaliif ee Hargeysa (Video)
- Jun 17, 2017

Waraysi: Faysal Cali Mas (Video)
- Jun 17, 2017
Faysal Cali Mas afhayeenka SSC ee imaaraadka .. Halkan Ka Daawo [youtube]https://youtu.be/RhCg-Qn0m4s[/youtube]
Wallee Anigu laba Cali Ciil iyo jab mooyee, Citiraaf kamaan sugo By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
- Jun 17, 2017
Wallee anigu laba Cali Mid cumaamad uma xidho Kan kalena ma caasiyo Caydhiin ma huursado Wallee anigu laba ...
Heshiiskii Cali Khaliif & Somaliland Video Oo Dhamaystiran (Video)
- Jun 17, 2017

Heshiis: Khaatumo~Somaliland & Somaliland oo maanta midoobey -(NUQUL+VIDEO)
- Jun 17, 2017
Waxaa maanta lagu soo afjaray magaalada Hargeisa  wixii Cali Khaliif la dhuumaalaysanayey ilaa 5tii ...
Baaq Nabadeed Oo Ku Socda Walaalaha Wada Dega Adhicadeeye
- Jun 17, 2017
KU: SHACABKA DEGMADA ADHICADEEYE GOBOLKA SOOL OG: CIDDA AY KHUSAYSO MEELKASTA OO AY JOOGAAN OG: JAALIYADAHA KA ...
Khaatumo Oo Dhaqaalihii Somalilandy Ka Heshay Ku Qarash garaynaysa shir ka dhacaya Qabri Bayax
- Jun 16, 2017
Deegaanka Qabri-bayax ee duleedka magaalada laascaanood ayaa ka socda abaabul ay wadaan maamulka khaatumo ...
Dr. Cali Ciise Cabdi wadahadalka Khaatumo~Somaliland “Waa marin habaabin, 4 qof marba hudheel marti ku ah.” (Video)
- Jun 16, 2017
Dr. Ali Ise Abdi oo ka mid ahaa xubnihii G6 ayaa  dadka inta badanina ...
Dood dhexmartay masuuliyiinta Dhulbahante ee ka tirsan maamulka Somaliand iyo Cali Khaliif(Dhegeyso)
- Jun 16, 2017
http://oodweynemedia.com/?p=137924 [youtube]https://youtu.be/7OWNGSqs-1U[/youtube]  
Qisadii ninkii magaciisa daruuraha laga maqlay – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay (17)
- Jun 16, 2017
Assalamu Calykum Nin saxaaraha maraya ayaa waxa uu kor ka maqlay daruuro la amrayo in ...
Muxuu Madaxweyne Gaas Kaga Hadlay Khudbadii uu U jeediyay Gollaha Barlamaanka Puntland?
- Jun 15, 2017
Madaxweynaha Dawlaada Puntland oo si rasmi ah manta u furay kalfadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland khudbad ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up