Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

WAA NIN CAYNKEE AH MADAXWEYNAHA CUSUB EE DALKA FARANSIISKU?

Reading Time: 2 minutes

Ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada tartankii loogu jiray qasriga Elesy ee Madaxtooyada Dalka faransiiska oo uu 65% ku guulaystay Emmanuel Macron ayaa mar kale Faransiisku waxa ay sameeyeen taariikh siyaasadeed oo ku saabsan doorashada Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara Jamhuuriyada Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo aan ka soo jeedin Xisbiyadii soo jireenka ahaa.

Emmanuel Macron waxa uu dhashay Bishii Disembar 21-kedii sannadkii 1977-kii,waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay barashada Falsafadda, shahaadada labaadna waxa uu ku qaatay ‘Maamulka arrimaha dawladda’ aakhirkiina sannadkii 2004 ayaa uu jaamacadda ENA ka qaatay cilmiga Maamulka.

Madaxweynahan cusub oo ah kii Sideedaad ee Dalka faransiiska ayaa haysta horyaalnimo kala dambeeyey oo uu ka soo bilaabay xiligii uu wax ka baranayey Mac-hadka Henery 4, halka sidoo kalena uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhanka tarbiyadda ah oo waaweyn.

Emmanuel Macron waxa uu muddo 4 sanadood ah ka shaqeeyey hay’ad maaliyadeed oo hoos tegaysay xarun la socota koboca dhaqaalaha Faransiiska, waxana uu uga sii gudbay shaqo uu ka qabtay Shirkada weyn ee ganacsiga ee Rothschild oo ah shirkada la aaminsan yahay in ay haysato kalabar lacagta adduunka, waxana uu mar kale ku soo noqday shaqada Dawlada isagoo la taliye dhanka dhaqaalaha ah u noqday Madaxweyne François Holland, ka dibna loo magacaabay Wasiirka Dhaqaalaha Sannadkii 2014-kii.Sannadkii 2016-kii waxa uu aasaasay dhaqdhaqaqa dhalinyarada ee Forward oo ah shabakad midaysay aragtida dhalinyarada Dalka faransiiska.

Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynanimada Dalka Faransiiska, isagoo ah Musharax Madaxbanaan oo aan Xisbiyada midna ka tirsanayn, waxana uu haysta taageerada shacabka faransiiska oo ku raacay fikradihiisa cusub iyo aqoonta uu u leeyahay dhanka lacagaha, iyagoo siiyey taageeradoodii oo Madaxweyne u doortay waxana uu ku ololeeyey Barnaamij ay ugu waaweynaayeen horumarinta dhaqaalaha faransiiska iyo xoojjinta xiriirka Midowga yurub.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska Macron xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa Brigitte Trogneux waana 64 jir waxaana ay ka weyn tahay 24 sannadood isaguna waa 39 jir iyadoo macalimaddiisa ahayd markii uu dugsiga sare ku jiray. Markii ugu horreysay ee ay haasaawe ama shukaansi ku kulmeen waxa uu ahaa 15 jir ka mid ahaa ardayda fasal ay macallimad u ahayd ku jira, laakiin waxa ay is guursadeen markii ay da’diisu 18 sano gaartay.

Waalidkii ayaa ku dadaalay in ay kala kaxeeyaan isaga iyo macallimaddiisa caashaqu dhex maray ee hadda xaaska u noqotay. Macron waxa uu waalidkii ka kaxeeyey magaalada Ameins, si ay uga fogeeyaan macallimaddiisan waxaana ay geeyeen Magaalada Paris oo uu sannadkii u dambeeyey ee dugsiga sare ku dhammaystay.

Laakiin Marcon markii uu dugsiga sare soo dhammaystay ayaa uu dib u soo nooleeyey xiriirkii isaga iyo macallimaddiisa waxa aanay is guursadeen sannadkii 2007-dii.

Warbaahin kala duwan oo arimahan waxa ka qoray ayaa sheegay in jacaylka Marcon iyo Brigitte aanu ahayn mid dhinac keliya ka socday, balse ay ahaayeen laba ruux oo si cid kasta u muuqata mid kastaa kan kale jacayl dheer u hayo.

Waxaa qorey: Hussein kurdi Iyo Kamaal A Cali.

PHOTOS France’s Emmanuel Macron joins Trudeau in ranks of youngest world leaders

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA DEEGAANKA BUUHOODLE 27.8.2017
- Aug 28, 2017

Hargeysa: Somaliland “Buuhoodle Shir aan Somaliland fasaxin Laguma qaban Karo.” (Video)
- Aug 27, 2017
Somaliland iyo Kooxdii Cali Khaliif  ayaa  maanta Hargeysa kasoo saaray waxay ugu yeedheen 10  ...
NOLOSHII MIYIGA OO GABAABSI KU DHOW (DAAWO)
- Aug 26, 2017

Somalia: The Toughest Place I’ve Ever Visited
- Aug 26, 2017
I was never quite sure if the 40 man military was surrounding us to protect us ...
Ka Faiidayso FADLIGA 10 KA HORE BISHA DUL XAJ/ CARAFO SH MAXAMED CABDI UMAL (Video)
- Aug 26, 2017

Madaxweyne Gaas oo laga waraystay; Makiinadda Lacagta, Laamiga Buuhoodle, iyo Doorashada Somaliland
- Aug 25, 2017
Weriye: Madaxweyne ka warran xaaladda guud ee Puntland? Gaas: Adeer xaaladda Puntland aad iyo aad bay u ...
MAQAAL: DAL BEEC AH IYO DADKIISOO GAAJEESAN
- Aug 25, 2017
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa laga joogaa muddo ka badan 27 sano. Intaa ...
Cabdirahmaan Ciro oo heshiisiiyey Baashe Maxamed Faarah & Cabdirahmaan Maxamed Maxamoud (Talyanle) (Video)
- Aug 25, 2017
Cabdiraxmaan Maxamed Cirro gudd. xisbiga Wadani ayaa dhexdhexaadiyey  Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan ...
Barnaamij Gaar oo ka hadlaya Afsoomaaliga Cismaan Cabdi Nuur Xaashi (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiis Laga Gaadhay Colaadii Buuhoodle (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiish Nabadeed oo Laga gaadhey Colaadii Buuhoodle (Dhegeyso)
- Aug 24, 2017
Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Buuhoodle  waxgaradka beesha Axmed Garaad iyo ergooyinkii kala ...
Fidno Abuurka KDO (Raxan Khiyaano) Iyo Wiiqada Midnimadda Jaaliyadda Sool Sanaag Iyo Cayn
- Aug 24, 2017
Ummadda SSC-da oo ka mid ah Qoomiyad weynta Somaaliyeed maqaam gobeed iyo taariikh dahabi ahna ...
Gaas and the Floundered Presidency
- Aug 23, 2017
August 23, 2017 By Faisal Abdi Roble Introductory Remarks “To whom much is given, much is required,” ...
Labadii Beelood Ee Buuhoodle Shaqaaqada ku dhexmartay oo kulmay (Video)
- Aug 23, 2017

Qurba joogta Beesha Cali Geri (UK) Oo Raaligelin Ka bixiyey Hadalkii Abokor Sulub (Video)
- Aug 22, 2017
Qorbajoogta Jaaliyada Reer Cali Geri ee UK  oo canbaareeyay hadalkii kasoo yeedhay  Abokor Sulub ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up