Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Marxuun Cabdiraxiin Saleeban-Rabiish: Halyeey Laqmaday…….

Reading Time: 2 minutes

GEERIYI AQOON BAY WADNAHA KAAGA GUDUBTAAYE

GAMMUUNYAALIHII BAA WAR XUNI IIGA SOO GALAYE

GOOLKII SHIRSHOORE U KACAY YAA GAADHIGII SIDAYE

WARAABAHA GALAYDHYAYNAYA EE GACALKA LOO LOOGEY

IYO ANIGA GAASHADA XARDHAY EE GIBILKA LAY SAARAY

MIDBA WAA GUDUUDANI U BERI KALASE GOOMMOONE
. . . . .
——Adan Yuusuf Axmed (Adan-Carab)

 

Waxay ahayd abbaaro 11:30 habeennimo oo Jimce ah markii Telefoon igu soo dhacay. “Abti, Cabdixakiin Rabiish waa dhintay. Goor dhawayd baa naftu ka baxday.” Warkaas waxaa si lama filaan

ah ii soo gaarsiiyey Axmed-shaafi Cabdi Maxamud oo walaashay dhashay. Naxdin iyo filanwaa yaan mar qudha la dhema-walmay “Maxaad tiri, war maxaad tiri” baan ku celceliye sidii wax aanan warka fahmin . “Abti Cabdixakiim Rabiish mar dhawayd baa naftu ka baxday. Wiil baa toorrey ku dhuftay oo uu u dhintay,” buu iigu celiyey wiilku warkii.

Cabdixakiim maalin ka hor geeridiisa waxaannu isku waraysanayney Telka, isagoo iiga warramaya xaaladda bukaan-jiifka cusbitaalka Daryeel u jiifa shuban-biyoodka iyo guud ahaan wararka raxmaadka dhulka helay. Waxaan si toos iyo si dadbanba qalabka war-fidinta ugala socday waxqabadka iyo gurmadka uu ka wado Cabdixakiim iyo Jaallayaashiisa dhallinyarada ahaa gargaaridda dadka tabaalaysan

gobolka Cayn. Wuxuu ahaa muraayadda laga daawanayo sida habboon ee dadkaas loogu adeegayey habeen iyo maalinba.

Iyadoo laga yaabo in aad iiga xog-ogaalsan tihiin kartida iyo naftii-hurenimada Cabdixakiim Saleebaan Faarax, ayaa waxaan hubaa in aad iiga markhaati tihiin in uu ka mid ahaa dadka fara-ku-tiriska ee ku soo caan baxay waxqabadka iyo u gargaaridda dadkiisa si aan hore loo arag. Wuxuu soo jiitay quluubta iyo kalsamidda dad badan oo dunida dacalladeeda ku kala nool oo indhaha ku soo eegayey tabaalada ka dhacday guud ahaan gobolka cayn. Isku-dubba-ridida, agaasimidda, iyo hawlgalka gargaarka dadka tabaalaysan, ururinta dhaqaalaha iyo macaawimada dadka loo soo diray, quudinta bukaan-jiifka cusbitaalka, iyo war bixinta – intaba wuxuu Cabdkixakiim ahaa horyaalka hawl wadeennada gargaarka dadkaas u fidinayey.

Cabdixakiim ma dhiman ee waa dheeraaday. Waxaa lagu xasuusan doonaa karti, hufnaan, daacadnimo, dadwedeennimo, iyo xilkasnimo. Waxaan aamminsanahay halyeeygaas laqmaday in ay ku dayan doonaan jiilka soo korayaa, gaar ahaan reer Buuhoodle. Allah ha u raxmado Cabdi-xakiim Saleebaan, Samir iyo iimaanna dhammaanteen ha inag siiyo. Amiin.

Ahmed Mohamed

ajmoham@hotmail.com

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up