Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAMMAADKA WAAYIHII RAXAN KHIYAANO IYO JAHA-WAREERKA DURBAANLEEYD

Reading Time: 2 minutes

Allah Mahad Leh-Shacab-weynaha SSC ayaa sanad walba xaflado
xus sanad u sameeya Maamulkooda,taasoo micnaheedu yahay maqaam
maamuseed iyo abaabulidda xaflado iyo kulan lagu weyneeynaayo
jiritaanka maamulka,hadaba iyadoo la wada ogyahay in Maamulka
Khaatumo gaareey shan sano(5-sano)ayaa xuskii sanadkan noqday
mid wajiyo kale yeeshay ama eey hadheeyeen arrimo is bedel ku
keenay hadafkii kowaad ee maamulka loo yagleelay,kadib markii
xaqiiqadii dhabta aheyd(qarsooneyd)soo shaac baxday Shaatigii
S/Landnimadii ku labisteen qaab gurguurasho dhabarku muuqdona
ku tageen Magaaladda Ceynaba si eey daacadnimadoodda mar kale
ugu cadeeyaan rajiimka sirqay Siilaanyo(saaxibka kowaad Galeyr)
una xaqiijiyaan hirgelinta aqlabiyada qorshihii loo egmadeey.

YouTube Preview Image

Hadaba waxaa hadheeyeey xafladihii raxanta durbaanleeyda(raxan
Khiyaano Khaatumo)sanadkan 2017 xaalado kala duwanaantooda leh
koow ka yihiin maqnaan ama dhabar jeediinta aqlabiyadii Dadka
Jaaliyadihii,dhaqaale xumo xoogan iyo soo shaac bixida wajigooda
dhabta ah(S/Land-nimadda)waxaana tusaale cad inoogu filan xuska
ama xafladihii raxanta kooban ku qabteen(USA iyo Denmark)hoolalka
cidlada ahaa iyo dhaqanka fawaashka ah(tumashada),khudbadihii aad
iyo aadka u liiteey(aflagaadada,xishood la’aanta,gefka iyo baroorta
ahaa)mugdi,fadeexad iyo astaan gunimada ka muuqday xafladahaas loo
soo kireeystay fanaaniinta faraha badan(kooxaha can iyo caloosha iyo
xikmad yarida suugaan ku sheega meesha laga tirinaayeey)sida dadku
u diideen,uguna gaboodeen qaab dhaqameedka raxan khiyaano,dhabarka
ugu jeediyeen waxaa tusaale cad inoogu filan xafladihii sida weyn
looga soo qeyb-geli jiray weliba dalalka qaarkood ahmiyada weyn ugu
fadhi jiray(qabasahdooda diyaar garoow weyn loo geli jiray):-
Dalalka UK,Holland,Emaaraadka Carbeed,Canadda,Sweden,Norway,Kenya
iyo Dalka Germany xuskoodii sanadkan 2017 ha sheegiin,taasoo ah
fariin cad iyo gadoodka gunimo iyo isu-dhiibid diidka ah bulshada
SSC(Daraawiishta)waa guul daro dhabar jabkeeda leh la soo deristey
raxanta aad iyo aadka u tirida yahay(khiyaani khaatumo hoteelka ku
dhuumaneeysa).
YouTube Preview Image
Waxaa ayaan daradeeda leh dhaqan xumada,anshax xumadda iyo xishood
ka tegidda taageerayaasha kooban raxan khiyaano(durbaaleyd)caayda
gefka iyo qadafku agtooda xalaasha ka noqday taasoo ka dhigay kuwo
ku qiimo,sharaf iyo dadnimo-ba beelay bulsho-weynta dhexdeeda koow
ka yahay(Rashiidka kadeedan-afhayeenka is magacaabay)hogaamiyaal ama
gudoomiye ku sheegayaasha daneystayaasha ah iyo shakhsiyaadka kooban
mashaariicda loogu balan qaaday(quursi qaatayaasha ah)hada maxaa laga
qaadan karaayaa duruus iyo waayo aragnimo ahaan heerka gadoodka Reer
SSC gaareey iyo go’doonka cad raxanta wakiiladda SNMta iyo waayahan
jaha-wareerkiisa leh kooxdii durbaanleyd,marka la soo wada ururiyo
waayo dhammaadka waqtigoodii iyo soo af-jaranka qorshayaashoodii iyo
xeeladihii hagar-daamada ahaa iyo biloowga kacdoon dadweyne gunimo
iyo isu-dhiibid diid ah(gudaha iyo qurbahaba ka aloosan)ku tiirsan
Golahoodda dhaqanka(Isimadda)Cuqaasha,Culimaa-udiinka,aqlabiyadda
Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta,Ganacsatada,Bahdda Suugaanta iyo Qalinka
iyo halyeeyda,geesiyaasha,naftooda hudhayaasha Badbaado SSC,anigoo
ku boorinaaya inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed,karaamadda
iyo jiritaan illaalinta leh qaadashada doorkooda marxaladan wajiga
cusub iyo culeeyskeeda-ba leh(soo nooleynta halganka)laban laaban
kaalintooda dhinac walba ah iyadoo laga bilaabaayo midnimadda iyo
isku duubnaanta Ummadeed,harag-bixida,xoojinta olollaha gunimo iyo
heeryo qaadid diidka ah,muujinta codkooda,cududooda iyo kartidooda
Dad ahaaneed-ba,sidoo kale ka fogaadaan guud ahaanba waxyaabaha leh
dhaliishooda,qof ama koox jecleeysiga,dhaqan qabyaaladeedka beeleysan
iyo astaamihii wajiyadooda kala duwan lahaa raxan khiyaano abuurtay
dumiyeey midnimadii iyo wada jirkii Reer SSC(naceeybka,colaadaha iyo
kala fogaanshaha keenay qorshihii tafaraaruqa iyo xiisado abuuridda
ahaa lugooyadda)waxaa lumay,liicay,la waayeey,jaha-wareeray raxantii
durbaanleyda dheha nabadeey iyo nabadeey oohintuna waa ceeb,hoolalka
waaweyn cidlada ah lacagta badan lagu kireeyeey(lacagta shirkadaha
soo dhiibay meesha laga keenay waa la yaqaanaan).
-Guul iyo Gobanimo Badbaado SSC.
-Ustaad-Xassan-Carab.
-England-UK

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (1)

  1. Subject:
    taageero maqaal

    Message:
    Asc Ustaad xasan ind aad baan kuu salaamayaa waana kugu taageersan
    nahay maqaalkaaga quruxda badan ee aan turxaanta lahay ee runta
    xambaarsan. ind midna waan kuu sheegayaa hadaad aragto qof wax caayaya
    waa qof leh maxaa qaladkayga loo arkay, kuna darsoo inta wax caayeysa
    waa intii arrinta la ogeyd ragga wata lana socotay qorshahaas, why
    haday sideenoo kale daacad ka yihiin dee may qaateen ee waa diidi
    lahaayeen. wax walbana waxay ku soo noqdaan asalkiisii hadda arintaynu
    u dhiibnay tuugta hadda shacabka ayey ku soo noqotay una taal. insha
    allaah waana guulaysanaynaa ee mar walba daacadaa guulaysane la soco.
    Raggana rag baa inoo hoday OO INOO HOOSAASIYEYE ee raggu waakii aynu
    naqaaney, tuugna ma daahirsamo. mayla socotaa . aad baan kuu
    salaamayaa waa johorad.


Comments are closed.

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA DEEGAANKA BUUHOODLE 27.8.2017
- Aug 28, 2017

Hargeysa: Somaliland “Buuhoodle Shir aan Somaliland fasaxin Laguma qaban Karo.” (Video)
- Aug 27, 2017
Somaliland iyo Kooxdii Cali Khaliif  ayaa  maanta Hargeysa kasoo saaray waxay ugu yeedheen 10  ...
NOLOSHII MIYIGA OO GABAABSI KU DHOW (DAAWO)
- Aug 26, 2017

Somalia: The Toughest Place I’ve Ever Visited
- Aug 26, 2017
I was never quite sure if the 40 man military was surrounding us to protect us ...
Ka Faiidayso FADLIGA 10 KA HORE BISHA DUL XAJ/ CARAFO SH MAXAMED CABDI UMAL (Video)
- Aug 26, 2017

Madaxweyne Gaas oo laga waraystay; Makiinadda Lacagta, Laamiga Buuhoodle, iyo Doorashada Somaliland
- Aug 25, 2017
Weriye: Madaxweyne ka warran xaaladda guud ee Puntland? Gaas: Adeer xaaladda Puntland aad iyo aad bay u ...
MAQAAL: DAL BEEC AH IYO DADKIISOO GAAJEESAN
- Aug 25, 2017
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa laga joogaa muddo ka badan 27 sano. Intaa ...
Cabdirahmaan Ciro oo heshiisiiyey Baashe Maxamed Faarah & Cabdirahmaan Maxamed Maxamoud (Talyanle) (Video)
- Aug 25, 2017
Cabdiraxmaan Maxamed Cirro gudd. xisbiga Wadani ayaa dhexdhexaadiyey  Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan ...
Barnaamij Gaar oo ka hadlaya Afsoomaaliga Cismaan Cabdi Nuur Xaashi (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiis Laga Gaadhay Colaadii Buuhoodle (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiish Nabadeed oo Laga gaadhey Colaadii Buuhoodle (Dhegeyso)
- Aug 24, 2017
Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Buuhoodle  waxgaradka beesha Axmed Garaad iyo ergooyinkii kala ...
Fidno Abuurka KDO (Raxan Khiyaano) Iyo Wiiqada Midnimadda Jaaliyadda Sool Sanaag Iyo Cayn
- Aug 24, 2017
Ummadda SSC-da oo ka mid ah Qoomiyad weynta Somaaliyeed maqaam gobeed iyo taariikh dahabi ahna ...
Gaas and the Floundered Presidency
- Aug 23, 2017
August 23, 2017 By Faisal Abdi Roble Introductory Remarks “To whom much is given, much is required,” ...
Labadii Beelood Ee Buuhoodle Shaqaaqada ku dhexmartay oo kulmay (Video)
- Aug 23, 2017

Qurba joogta Beesha Cali Geri (UK) Oo Raaligelin Ka bixiyey Hadalkii Abokor Sulub (Video)
- Aug 22, 2017
Qorbajoogta Jaaliyada Reer Cali Geri ee UK  oo canbaareeyay hadalkii kasoo yeedhay  Abokor Sulub ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up