Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xog rasmi ah: Kulankii koowaad ee Khaatumo iyo Somaliland.

Reading Time: 2 minutes

Marka hore waxaan rabaa inaan akhristayaasha u caddayno inaanay jirin gacan saddexaad oo isugu yeedhay ama ku dhex jirta labadan garab. Maamulka Somaliland ayaa gogosha u fidisay garabka Cali Khaliif ee Khaatumo.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo xogogaal oo ka agdhow kulankaasi ayaa sheegaya in caawa kulan casho ah magaalada Addis Ababa ay isugu yimaaddeen weftigii maamulka iskiis isu magacaabay ee Somaliland iyo kooxdii Khaatumo ee Cali Khaliif. Kulankaasoo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadalladii loo ballansanaa.

Dhanka Somaliland: Axmed Siilaanyo, Muuse Biixi, Faratoon, Caddaani, Maxamuud Xaashi iyo Wasiir reer Boorame ah.

Dhanka Khaatumo: Dr. Galaydh, Dr. Cali Ciise, Baayir Mahdi, iyo Mohamoud Shabbac.

Salaan iyo kaftan dabadeed waxa hadalkii u dhacay sidatan:-

Dr. Cali Khaliif, oo ku bilaabay waxa dadka reer Waqooyi ka dhexeeya inay yihiin dad iska xiga Soomaalida inteeda kale ilaahayna is baday meelna aan kala tegeyn weligoodna kala maarmayn. Intaa wuxuu raaciyey inuu ka xog waramo tan iyo maalintii kulanka Caynaba dhacay in culays aad u ballaadhan iyo diidmo uu kala kulmay dadka SSC. Wuxuu raaciyey inay maanta diyaar u yihiin inay wadahadal midhodhal ah u diyaar yihiin maaddaama aan la kala maarmayn. Wuxuuse intaa ku daray inay dadka reer Khaatumo muddo ugu sheekaynayeen in Somaliland iyo Khaatumo dawladaha Caalamku dhex gelayaan, sidaa daraaddeed waxaan idinka codsanaynaa inaad arrintaa noo fulisaan oo aad naga ogolaataan inaynu ku kulanno Norway, Ingiriiska ama Imaaraadka. Waayo dadkayagu naga qaadan maayaan Somaliland baan toos ula kulannay. Waxa kaloo uu sheegay in isaga Cali Khaliif ahaan iyo Khatumoba ay Ethiopia col yihiin oo aanay rabin in kulanka rasmiga ahi ka dhaco Ethiopia.

Waxa xigey Maxamuud Xaashi oo uga mahadceliyey hadalkii Cali Khaliif soona dhoweeyey.

Waxa xigey Muuse Biixi oo isna sidoo kale u mahadceliyey Cali Khaliif. Intaa dabadeed Muuse wuxuu raaciyey Caliyoow haddaad wadahadal diyaar u tahay sabab aad waddamo kale oo aan waxba inaga dhexeyn inoo soo dhex gelinayso ma fahmin, waxaan ku odhan lahaa halkan aynu joogno ee Ethiopia waa innagaa si nabad ah isu hor fadhina cidina dhib inoo geysan maysee aynu hawlaheenna ku dhammaysanno. Waxaan kaloo kuu sheegayaa kuwan laftoodu wadahadalkeenna wax ku darsan maayaan ee innagaa walaaltinnimdaa aad sheegeyso wax ku dhammaysanayna.

Waxa xigey Dr. Cali Ciise oo isagu yidhi waxaan kaloo idinka codsanaynaa inaad shirkaa Burco joojisaan oo aydaan qaban wixii laba ummadood ka dhexeeyya innagaa ka wada hadlayna.

Cali Khaliif ayaa ku soo noqday oo intii hore ku daray waxaan caawa idinka codsanaynaa inaad hiil walaaltinnimo noo gashaan oo waa ciillanahaye aad garab na siisaan. Isagoo cidda looga hiilinayo tilmaamaya wuxuu yidhi Puntland baa dadkayagii nagu haysata oo diiddan in isfaham iyo wadahadal labadeenna dhinac dhex maro Isimadiina iyo dad badan oo degaankayaga ahna gacanta ku haysa waxaan idiin ka baahannahay arrintaa iyana inaad si degdeg ah wax noogala qabataan!

Muuse Buuxi ayaa yidhi nimanyohoow haddaad wadahadal diyaar u tihiin cidi inoo dhexeyn maysee meelo fogfog iyo dawlado aynaan shaqo isku lahayn toonna ha isku wareerininee aynu wada hadalno. Arrinta shirka Burcona waa hawl annaga iyo dadka noo dhexeysa horaana looga ballamay waana qabsoomayaa innaguse aynu ka wada hadalno waxyaalaha waaqiciga ah ee u baahan ladadeennan garab inaynu wax iska nidhaahno, iska illaawa dawladda iyo dadka Burco ku ballansana.

Halkaa markay maraysey ayaa qoladii Khaatumo codsatay inay dib isugu noqonayaan berrito subaxna ay shir kale isugu soo noqonayaan.

Wixii berrito ka soo baxana waa idiin soo tebinaynaa.

 CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (1)

  1. Abdi Adam says:

    Warkan wuxuu ila yahay mid xogogaal ah.
    Caliyo intan wax ka badan ma hayaan bay ila tahay.
    Puntland baa na ciishay ee Somaliland waxba ama yeelin.
    Shirka Burco(haddiiba u jiro) naga baajiya oo annagga nala shira.


Comments are closed.

The legacy of the six-day war: Why Israel needs a Palestinian state
- May 19, 2017
More than ever, land for peace also means land for democracy. THE victory of Israel ...
Xil. Xiddig: “Ma nihin qolo Mucaarid ah ee waxaan nahay Xisbi” (Dhegeyso)
- May 19, 2017
Guddoomiyaha kumeelgaarga ah ee madal la magac baxday "Horusocod" Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa maanta ...
Barlamaanka oo Ka Horyimid Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada.
- May 18, 2017
Gollaha wakiiladda dowladda ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in ...
Madaxweyne Farmaajo ma dhisi doonaa mise wuu dumin doonaa Buundada Midnimada Soomaaliya ee inay dunto qarka u saaran?
- May 18, 2017
May 18, 2017 By Maxamuud Ibrahim (Xaaji) Sool iyo Sanaag waa Buundada Midnimada! Laga soo bilaabo sannadkii ...
Robert Mueller to head Trump-Russia probe
- May 18, 2017
Thursday May 18, 2017 [caption id="attachment_48282" align="alignnone" width="300"] Then Federal Bureau of Investigation director Robert ...
Barn. Dhaqanka iyo Hiddaha, (Halgankii Waddanimadda)
- May 17, 2017
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed ...
War-murtiyeed Laga Soo Saaray shirkii wadatashiga Dastuurka Federaalka
- May 16, 2017
Shir wadatashi oo saddex maalmood magaaladda Muqdisho uga socday wasaarada Dastuurka federaalka iyo wasaaradaha ...
SIYAASI KA HORYIMID IN LA KORDHIYO TIRADA BAARLAMANKA PUNTLAND (VIDEO)
- May 16, 2017
  Siyaasi Cabdi Waran-jaan oo ka mid ahaa sanadkii 1998-dii ergeygii gobolka Nugaal uga qeybgashay ...
Dr. Cali Khaliif oo sheegay inuu Somaliland kala hadlay inay mushaharo tan Puntland ka badan siiyaan ciidanka Buuhoodle!
- May 15, 2017
Siduu hore u sheegay Dr. Cali Khaliif wuxuu in muddo ah sidii masacagalayda saarraa ...
AFTER CONFERENCE, THERE IS RAY OF HOPE FOR SOMALIA
- May 15, 2017
May 15, 2017 By Mohamed Guleid, Standard Digital Last week an international conference on Somalia was ...
Shaqaalaha iyo waxgradka magaalada Taleex oo baaq ka diray xalaada MChka &Cusbitalka Taleex. (Video)
- May 15, 2017

Dhalinyarada Qurbaha Laga Kaxeeyo Ee Wadankii La Geeyo Ma Dhaqan Celisbaa Mise Waa masaafuris (Video)
- May 14, 2017
Dhaliinyarada iyo caruurta dhulkii lagu celiyo si “dhaqan celis” loogu soo sameeyo waa kuwama? ...
DP World oo Saami Ka Siiyay Dowladda Ethiopia Dekeda Berbera
- May 14, 2017
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen aadan Ciise (Deyr) ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo ...
Gudd. gurmadka degmadda Taleex oo baaq u diray Qurbajoogta, uguna baaqay in garoonka diyaaraduhu furan yahay.(Video)
- May 13, 2017
Axmed Cabdi-Shakuur oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka shuban biyoodka ayaa shir jaraaid ku qabtay ...
Ethiopian professor writes about Ethiopia’s policy of destabilizing Somalia
- May 13, 2017
[caption id="attachment_48232" align="alignnone" width="300"] Ethiopian foreign minister and outgoing Somali president Hassan Sheikh Mohamud.[/caption] February ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up