Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Cali Khaliif oo Aflagaadeeyey Isimadda Dhulbahante “Kuwa Bahal higlo ku shiray Cabaas baa dhaama qaar waxba ma qoraan.” (Daawo)

Reading Time: 1
cali_-balicad

Cali, Cabaas iyo Meel Cidla ah!

Prof. Cali Khaliif oo maalmahan marba hadal aan hadaf lahayn ujeedinayey koox taabacsan oo uu ku ururiyey magaalada Balicad ayaa maanta maruu ka hadlayey arrimaha uu rabo inuu dadka wixii ogol ka dhaadhiciyo oo ah in Somaliland loo raaco, wuxuu si meel ka dhac ah ugu gafay isimadda Dhulbahante, wuxuuna ku tilmaamay kuwii bahal higlada ku shirayey waxba ma qoraan waxaana dhaama wiilkan yar ee 5jirka ah.

Cali Khaliif wuxuu isimadda ku eedeeyey inay shirar ku qabteen magaalada Higlada  oo  uu ku tilmamay  bahal higlo haddana ay Alamtara soo dhaafeen. Waxaa runtii la yaable Cali Khaliif Isimadda ma wuxuu moodey wiilasha yar yar ee uu maalin mid wasiir ugu yeedho hadhowna ka qaado!

Cali Khaliif wuxuu aad ugu dheeraayday wuxuu rabay inuu dadka u sheego oo ah in Puntland tidhi annagaa idin leh! Wuxuuna ku goodiyey haddii Puntland faragelinta ka dayn weydo  inaan Gaalkacyo la deganaanayn taasoo macnaheedu yahay Galmudug baanu soo raacaynaa! Oo tolow ciidanka iyo cududa Cali ugu faanayo cid kale muu ku xoraysto dhulka uu madaxweynaha u sheegto miyuuse ilaaway in 4 magaalo laga baacsaday, ciidankaasi xaggee jirow?

Gefkan iyo haddaladna aan loo meel deyin ayaan Cali ku cusbayn oo markuu afkaa kala qaadaba uu Isim, beel iyo magaalo Dhulbahante ku duraa hadhowna yeedhaahdaa calaacal iyo war keli keli wax uma qabsan karee itaageera. Cali Khaliif wuxuu yidhi “Isimaddu maba dhaadayaan wiilkan yar ee Cabaas ee Jaamacada u baahan,” Waa su’aale ma ku biirida maamulka Siilaanyo  baa Jaamacad lagu helayaa? Cali Khaliif wuxuu dadka ku hanuuniniyaa in haddii Hargeysa la tago la nimcaysan doono!

Prof. Cali Khaliif waxaa u wanaagsanaan lahayd inuusan waqti iska lumine Siilaanyo la hadlo eed la’aan muraadka uu ka leeyahayna u sheegto waayo waxaas oo raadgasho ahi waxay u dhacayeen siduu Somaliland ugu biiri lahaa.

Hoos Ka daawo:

YouTube Preview Image

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (1)

  1. Cali says:

    Subject:Cali ma miyir qabaa?
    ruux rajo ka dhex leh dhulbahante, darod ama somali uma hadlo sida
    cali khaliif, wax alaale iyo wuxuu arko wuu caayayaa, anigu waxaan is
    idhi, odaygu armuusanba miyir qabin, maxa yeelay dee tani siyasad maha
    wa nooc waalida kamid ah


Comments are closed.

Faysal Cali Waraabe “Dantii aynu lahayn maantaynu gaadhney.”(Video)
- Oct 21, 2017
Faysal Khaatumo waxay tidhi Sool annagaa leh, siiya baanu idhi Cayn annagaa leh, siiya ...
Dooda Musharixiinta Somaliland (Daawo)
- Oct 20, 2017
Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxweynaha maamulka iskiis isu magacaabey ee Somaliland oo ...
Caynaba: Cali Khaliif & Siilaanyo oo ku heshiiyey “In la wada ilaaliyo jiritaanka & madaxbanaanida Somaliland.” (Video)
- Oct 20, 2017
Wadahadalkii Cali Khaliif iyo Somaliland oo kusoo afjarmay ka mid noqoshada iyo goosashada Somaliland.. ...
Madaxweynaha Somaliland ee Xilka Ka sii degaya Oo Booqday Laascaanood-Sawiro
- Oct 20, 2017
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  iyo wafti hoggaaminayey ayaa ...
WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
- Oct 17, 2017
Difaac oo qoriga qaado Dalkaaga u hiili maanta Dadkaaga badbaadi jaalle Digtoonoow adigu boowe Adigu diid xumaha saaka Dareen ...
276 killed in deadliest single attack in Somalia’s history
- Oct 15, 2017
MOGADISHU, Somalia — The most powerful bomb blast ever witnessed in Somalia's capital killed ...
Maqaal: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay.
- Oct 14, 2017
Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd ...
Xubno Ka Tirsanaa Gole Isku Magacaabey Samatabixinta Puntland oo Garoowe Lagu Xiray
- Oct 13, 2017
Gudd. gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab ...
Tacsi: Axmed Mire Jaamac & Fu’ad Cabdirizaaq H. Sadad oo ku geeryoodey London.
- Oct 13, 2017
Waxaa shalay ku kala geeryoodey magaalada London, UK  Alle ha u naxariistee Axmed Mire ...
RW Kheyre “Qofna laga ogolaan maayo dhalliil dalka lagu duminayo.” (Dhegeyso)
- Oct 12, 2017
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qudbad u muuqatay in ...
Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Somalia oo Iscasilay
- Oct 12, 2017
Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa warqad iscasilaad ah u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii ...
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa ka hadlay, islamarkaana ka jawaabay ...
Wareysi: Gaas oo ka Hadlay Shirka Kismaayo
- Oct 11, 2017
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirkii Kismaayo ...
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Maamul Goboleedyada ee Kismaayo
- Oct 11, 2017
Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ...
Eng. Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas
- Oct 9, 2017
Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga dalka Zambi ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up