Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dadka reer Taleex oo intii ay isku jeedeen degaankoodii degaamo laga samaystay.

Reading Time: 2 minutes

Tan iyo intii shirqoolkii xaaraanta ahaa ee Khaatumo lala yimid magaalada Taleex waxa dadka reer Taleex iyo degaankoodaba usoo hoyatay dhib aanay weligeed hore u arag. Shirkaasi wuxuu ku bilaabmay dhiigga dadkii walaalaha ahaa ee reer Taleex oo la daadiyey. Kaaga sii darane iyadoo dhiiggii qoyan yahay ayaa shir lagu dul qabsaday oo inta foodda laysu geliyey loo kala baxay.

Isku daygii labaad ee la holliyey in dib shir loogu qabtona waxaa ku daatay dhiig intii hore ka badan oo ay ku naf waayeen dad kale oo reer Taleex ahi. Labadaa goorood ee shirarka dhiiggu ku daatayba shar wadayaashu way ogaayeen inaan dadka reer Taleex heshiis ku ahayn in magaaladooda shir lagu qabto, laakiinse waxay ujeeddadoodu ahayd in dadka reer Taleex oo walaaltinnimo iyo isjeceyl, iyo nabad kuwada noolaansho ku caan baxay in laga daadiyo caanahooda oo dhiig faraha loo geliyo.

Mar saddexaadkii la holliyey in shirkii sharka lagu qabtona waxa Taleex ku soo duulay oo gacanta ku dhigtay Somaliland.

Nasiib darroda dhacday dadka reer Taleex marna si miyir qabta uma dersin dhibaatooyinkan loo soo waariday, markii loo kala tegeyna iyagii baa col iyo cadow isu noqday oo dagaallo dhexdooda ah galay waa sidii loogu talo galaye.

Arrinta haddaba nasiib darrada ahi waxa weeye markii la ogaaday inay colloobeen dadkii reer Taleex ayaa waxa weerar deegaamayn ah lagu soo qaaday deegaankoodii illeyn wadajirkoodaa degaanka lagu ilaalin jiraye.

https://www.youtube.com/watch?v=1MIdah25HL0

Waxa kaloo xusid mudan in reerka degaamaynta wada oo aanay deris ahayn reer Taleex markii ugu horreysey ay ugacan haadiyeen kooxdii mashruuca Khaatumo horjoogayaasha u ahaa sannadkii 2013kii bilowgiisii . Reerka degaamaynta wadaa waa Laylkase sababta kooxda Khaatumo usoo sal kiciyeen oo degaanka Taleex ugusoo horkaceenna waxay ahayd laba sababood.

Tan koowaad waxay ahayd inay Puntland iyo Laylkase colaad isu geliyaan oo yidhaahdaan Laylkase ayaa Puntland ka baxay oo Khaatumo ku biiray.

Tan labaadna waxay hayd in colaadddii hore ee reer Taleex dhexdooda laga abuuray mid kale loogu daro si loo wiiqo awoodda reer Taleex iyadoo dano siyaasadeed oo fog laga leeyahay.

Reerka hadda Xalin dusheeda degaamaynta ka samaysanaya waxay wax ka degaan inta udhexeysa Eyl, Burtinle ilaa Garoowe hoosteeda. Weligood Nuur Axmed deris ma noqon daaqsinna isuguma iman. Waxa maanta damaca keenay waa  kala daadsanaanta lagu arkay reer Taleex.

https://www.youtube.com/watch?v=uNQ1oM7d6qM

Waxa nasiib darro ah in Xalin ay joogaan ciidan reer Taleex ah oo ilaa 15 tikniko ah haysta oo nooc walba leh ilaa 100 ninna ay halkaa diyaar ku yihiin. Ciidankaasi waxay Xalin ujoogaan siday isugu dhammaan lahaayeen walaalahooda kale ee reer Taleex oo iyaguna intaa in leeg haysta. Labadaa ciidan ee walaalaha ah ee laysku jiheeyey midkoodna ma hayo ilaa maanta caqligii lagu kala badbaadin lahaa, lagu midayn lahaa, degaankoodana lagu ilaalin lahaa.

Haddaba halkan ka daawada Leylkase oo togga Afrog oo hodanka ah ka samaystay tuulo berritona waxaad maqli doontaan iyagoo Xalin iyo Kacaya magaalo ka samaystay. Waxa sidoo kale degaanka muddoba boob ku hayey Kaskiqabe oo iyana tuugtii Khaatumo ugacan haadiyeen.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=2&v=W3ITw-qA3Zk

Waxa xusid mudan in Reer Guuraagu isu gudbaan oo daaqsinta wadaagaan waana dhaqan suubban oo Soomaalidu leedahay. Reer Taleex maaha inay daaqsinta dadka ka ceshadaan, laakiin waxa muhiim ah in dadka daaqsinta ku yimaaddaa ixtiraamaan degaanka ay martida ku yihiin. Haddiise ay timaaddo inay magaalooyin ka samaystaan sida tan Afrog oo kale, dadka reer Taleex waxa la gudboon inay illaawaan khilaafaadka dhexdooda ah una midoobaan siday degaankooda u ilaashan lahaayeen.

Axmed Faarax

axmedfarax100@gmail.com

Ramadan: Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua) CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (1)

  1. Xadeedman says:

    Aniogoo ah reer lafweyne hadalkaas aad qortay kuguma raacsani maxaa
    yeelay LAYLKASE waxaan ka jeclahay dhulbahante qaarkiis hadii ay i
    yeelayaan Lafweyne ayaan soo dejin lahaa waa rag hiil iyo hootoona aan
    kaaga tegayn meel kale ka raadso dab aad shido byee-


Comments are closed.

Prof. Cali Khaliif oo Widhwidh uga soo Dhaaranaya Somaliland! (Videdo)
- Jul 5, 2017
Prof. Cali Khaliif ayaad moodaa inaanu wax badan kala socon siyaasada Somaliland.. balse maanta ...
BAAQ AY SOO SAREEN JAALIYADAHA SSC EE BENELUXE EE LAGU TAAGEERAYO ISIMADA SSC (VIDEO)
- Jul 5, 2017
BAAQ AY SOO SAREEN JAALIYADAHA SSC EE BENELUXE. Date 01/07/17 Baaq & Cambaareyn kasoo baxdey ...
Jaaliyada reer Norway ee SSC ayaa diidey kanasoo horjeestay heshiiska Cali Khaliif & Somaliland (Video)
- Jul 4, 2017
Jaaliyada Norway "Waxaa noo Cadaaday in Cali Khaliif weligiisba Somaliland ahaa." [youtube]https://youtu.be/Ck28YTiUJcw[/youtube]
Faysal Cali Mas ..” Waa maxay xilka gaarka ah ee Buuhoodle ka saaraan Khiyaamo~Khaatumo. “Video)
- Jul 4, 2017

Wahadahaladdii Khaatumo & Somaliland, maxaa ku cusub ama iska bedeley? (Video))
- Jul 4, 2017
Heshiiskii garabka Cali khaliif ee khaatumo iyo Somaliland oo war cusubi kasoo baxay. Somaliland ...
Weriye Maxamed Shaqalle oo ka waramay xadhiga loo geystey weriyeyaal ku xidhan magaalada Laascaanood (Video)
- Jul 3, 2017

Barnaamijka Xasuus Reeb: Prof. Cali Khaliif Part One: (Video)
- Jul 1, 2017

Buuhoodle & Maanta . (Video)
- Jul 1, 2017
Mudaharaad looga soo horjeedo wadahalka khaatumo~Somaliland iyo Somaliland oo Buuhoodle ka dhacay, waxaa sidookale ...
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha #377
- Jun 30, 2017
Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed ...
Koox sheegatay Ciidanka Buuhoodle oo taabacsan Cali Khaliif Kana Digay in Shir Khaatumo Ka Dhan ah Buuhoodle Lagu Qabto (Video)
- Jun 29, 2017

Heerka Saamiqeybsiga Beelaha Somaliland, Liiska Shaqaalaha & Beelahay ka soo jeedaan (Video)
- Jun 29, 2017
Hoos ka daawo heerka Saami-qeybsiga Beelaha Somaliland & Sida Beesha dhexe isu-dulmiday+Liiska Xilalka Shaqaalaha ...
Hello Hargeisa, Here Comes Galaydh, Goodbye Union
- Jun 28, 2017
June 27, 2017 By Osman Hassan The final acts for breaking up Somalia have been the subject ...
Faysal Cali Waraabe “Gooni isutaaga Somaliland waa lama taabtaan.” (Video)
- Jun 27, 2017
Faysal Cali Waraabe "Walaalayaal heshiiska Somaliland iyo Khaatumo maaha mid loo tolay Khaatumo ee ...
Bayaan ay soo saareen Qurbajoogta, Xildhibaanada federaalka iyo Isimada Dhulbahante
- Jun 27, 2017
Bayaan-ka-soo-baxay-Qurbajoogta-xildhibaanada-iyo-Isimada-Dhulbahante.
Madaxweyen Farmaajo oo Khudbad Hambalyo ah jeediyey xafladda 26 June ee maalinta Xoriyada gobolada Waqooyi (Video)
- Jun 26, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad  ka jeediyey munaasibaddii 26-kii June ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up