Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Khudbadii madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo qoraal ah- (video)

Reading Time: 7 minutes

2014-07-01- **Dhulka Maqan:

Then Musharax Gaas now Madaxweyne Gaas  Walaalayaal dhulka maqan waa boog ku taal Puntland waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool ,beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday,dhulku beel gaar ah kama maqna,faataxo laguma qabsan,faataxana kusoo laaban maayo,wixii siyaasad ku salaysan siyaasad baan ku maaraynaynaa wixii xoog looga maarmi waayana waxaa lagama maarmaan ah Puntland inay fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa,waxaa dadka Sool,Sanaag iyo Cayn lagu hoday haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantay waajibaadkeedii dastuuriga ahaa,waajibaadkeeda koowaad ee dowladnimadda Puntland waa inay difaacdaa nafta,maalka iyo sharafta muwaadinka Puntland.

 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin ka dib markii aan si mug wayn ugu dhabo galay xaalada siyaasadeed iyo mida deegaan ee Puntland,waliba dib u milicsaday marxaladihii ay Puntland soo martat tan iyo maalintii la asaasay iyo meesha ay maanta taagan tahay,waxan is-waydiiyay su’aasa ah maxaa Puntland hiigsan kartaa ama ay tahay himiladeeda durugsan ama mida dhow maxaase ka qaldamay.

YouTube Preview Image
gaas01072014

Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas 01.07.2014

Walaalayaal sida aad wada og soon tihiin Puntland kama jirto dowladnimo taabo qaaday.Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda.Puntland kama jirto dowlad u addeegta dadkeeda,kama jirto dowlad u nugul dadkeeda,kama jirto dowlad daboosha baahida dadkeeda.Puntland kama jirto dowlad ku shaqaysa rabitaanka dadkeeda,Puntland kama jiro dowlad dhista mamul baahsan oo wada gaara dhulkeeda.

Sidaasi daraadeed Puntland uma baahna labo arrimood midkood,meesha ay Puntland taal cidii dhigtay uma baahna inaanu doorana.mudadii aan soo marnay inaan dib u raacno uma baahna Puntland,waayo taas waxba ma badalayso,haddii aad rabtaan shanta sano ee socota ay u ekaato shantii sano ee lasoo dhaafay,dabcan waad garanaysaa cida aad dooranaysaan,laakiin annigu oo ku kalsoon caqligiina aaminsan garashadiina,ku kalsoon cadaaladiina,waxaan rajaynayaa shanta sano ee socota ay ka fiicnaan doonto ugana rayn doonta Puntland shantii sano ee qaxar ka ahayd ee lasoo dhaafay,sidoo kale Puntland uma baahna cid ku far barata oo ku feegaarta Puntland,Puntland uma baahna cid aan lahayn khibrad mamul iyo mid siyaasadeed toona.

Walaalayaal baaxada dhibeed ee ka jirta Puntland iyo xajmiga mashaqo ee hadda taagan saamixi maayaan in Puntland lagu aamino cid ku socod barata,walaalayaal maanta Puntland waxay u baahan tahay dowladd og xadkeeda aan faro galin ku samayn hay’addaha sharci dajinta una gacan banaysa in baarlamaanku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah,Puntland waxay u baahan tahay dowladda aan  xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrka guud   magan ugu noqon waajibaadkooda wasiir iyo madaxwayne-toona,Puntland waxay u bahan tahay qof dhaqaale uga raadin kara beesha caalamka xiriir dhaqsana ula samayn kara.hadaba markaan ogaaday baahida dowladnimo dhaqaale,bulsho iyo bini’aadannimo ee ka jirta Puntland ayaan waxaan go’aan saday inaan ahmiyadda koowaad siiyo arrimaha soo socda.

.Midnimiada Puntland.

.Amniga Puntland

.Hormarinta hay’addaha wax soo saarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha

.Cadaalada,hirgalinta sharciga iyo geedi socodka dimoqraadiyadda.

.Dib usoo celinta dhulka maqan.

1-Midnimad Puntland.

Walaalayaal ma ahan arrin mugdi ku jiro in dadka Puntland ay si wada jir ah oo aan loo kala harin ay  ku heshiiyeen in dhidhibada u taagaan Puntland 1998-taasoo ku timi rabitaanka shacabka Puntland ama umadda reer Puntland,sida aad ka war qabtaan 6-dii sano ee lasoo dhaafay waxa dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland,waxaa gacanta mamulka ka baxay dhul baaxad wayn leh oo ka mid ah Puntland,waxaa kale oo dhacay in deegaanadda Puntland aan si siman u helin addeega bulshada sida caafimaad,waxbarashada,sugida nabadgalyada,biyaha iyo dhamaan addeega bulsahda.

Si aan xal waara uga helo dhibaatooyinka iyo caqabada hortaagan midnimada Puntland,waxaan haddii EEBE raali ka noqdo u qaban doonaa shiwayne guud oo lagu maaraynayo midnimada Puntland,isla markasna lagu lafo gurayo sidii mar labaad loo dhayi lahaa dhaawicii ku yimid midnimada Puntland,sidoo kale shirwaynahaasi waxaan ku marti qaadayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland oo ay ugu horeeyaan Isimada,cuqasha,culimo’udiinka bulshada rayidka iyo qurba joogta Puntland,dowladdaydu waxay dhaqan galin doonta qodobada kasoo baxa shirkaasi,waxan balan qaadayaa sidoo kale in si siman loo gaarsiiyo addeega bulshada dhamaan bulsha waynta ku nool deegaanadda Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin Shantii sano ee lasoo dhaafay mamulka Puntland wuu ka gaabiyay inuu daboolo baahida deegaamadda Puntland,waana arrinta keentay in Puntland ay sarifanto oo midnimadeedii ay bur burto,waxan kala shaqaynayaa baarlamaanka iyo xukumadda Puntland isku xirka dowladda iyo dadwaynaha,ogaadana waa lagama maarmaan Puntland inay hesho xukumad lala xisaabtamo oo tayo wanaagsan leh waajibaadkeedana gudan karta.

Xoojinta amniga iyo dib u dhiska ciidamadda.

Walaalayaal sideedaba amnigu waa furaha nolasha, qof kasta oo muwaadin Puntland ah wuxuu xaq u lee yahay inuu nabad ku noolaado isaguna uu nabadgalyo bixiyo, waad og tihiin dilalka loo gaysanayo aqoon yahanada,siyaasiyiinta,ganacsatada,culimo’udiinka iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada kaas oo aad la socotaan inuu gaaray heer aan loo dulqaadan karin,waana la joogaa waqtigii la joojin lahaa,haddii ay bulshadu cabsi ku nooshahay ma gaari garto wax hormar ah,wayna adkaanaysaa inay maareeyaan waayaha ku xeeran,walaalayaal waxaa intaasi dheer isku dhaca qabaa’ilka oo soo noqnoqday oo soo jiitamay oo gaaray heer aan waxba laga qaban karin oo nidaamkii dowladiga ahaana iska daawado,mamulka hadda jiraana waxa uu ku guul daraystay in ciidamadu mushahar siiyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay,waana arrinta keentay inaan ciidamadda ammaanku u gudan waayaan howlihii loo igmaday sidii loogu talo galay ee waajibaadkooda dastuurigi ahi uu ahaa,haddaba walaalayaal anniga oo kaashana khibradayda markii aan ahaa ra’iisulwasaraha Somalia,waxaan aamin sanahay in wax laga qaban karo arrinta ammaanka iyo la-dagalanka argagaxisada,haddii la helo qorshe cad oo amni ku salaysan xaqiiqo dhab kana turjumaya rabitaanka iyo dareenka shacabka waxaa sahlanaan doonta in si wadajir ah loo wajaho dhibaatooyinka nabadgalyo ee Puntland haysata,sidoo kale waxaa lasoo afjari karaa arrimaha dhibka ku haya amniga,sida burcad badeedka,tahriibka iyo wixii la mid ah.

Walalayaal waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidan amniga gacan bir ah ku qabta,ciidamadaas oo mushaharkooda si joogta ah u helaya tayo iyo tiro ahaanba dhamaystiran si heer sare ahna loo siiyo tababaro heer qaran ah,sugida ammaanka waa in la gaarsiiyo dhamaan deegaanadda Puntland.

Kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarinta Bulshada.

Puntland oo illaahay ku mannaystay khayraadka dabiiciga ah ayaa waxaa nasiib daro ah in mamuladii hore aysan ku guulaysan inay sameeyeen siyaasad dhaqaale oo hormarineed oo qoto dheer,walaalayaal 15-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lagu guul daraystay in la xoojiyo dhaqaalaha,dhaqaalaha oo kor loo qaado ayaa horseedi kara in la sugo amniga iyo xasiloonida,waa arrinta keentay in Puntland aysan tilaabo u qaadin dhinaca hormarinka,kor u qaadista daqliga dowladda iyo siyaasad dabacsan canshuur bixinta iyo hanti dhowrka waa arrimaha ugu muhiimsan oo aan wax ka qaban doono insha allaah.

Haddii aan qofka canshuurta bixiya uusan dareensanayn in canshuurtaasi ay dib ugu soo laabanayso way adag tahay in lagu qanciyo canshuur bixin, Canshuurtu waa inay ku salaysan tahay qaab cilmiyaysan isla markasna ay tahay mid macquul ah,haddii canshuurta la kordhiyo iyada oo aan la daraasayn awooda dhaqaale ee dadka waxaa imanaya in dadku canshuurta la dhuuntaan ama ay u wareegaan meelo ka baxsan xaduuda Puntland taasna waxay keenaysaa dhaqaalo bur bur iyo isku dhexyaac.

Dhaqaalaha oo baahsan:waxaa lagama maarmaan ah in la helo tilaabooyinkan soo socda

.Canshuur cadaalad ku salaysan.

.Hormarinta nidaamka canshuurta iyo kor u qaadista heerka nolashada bulshada.

.Dhiirigalinta iyo wacyi galinta ganacsatada siday uga qayb qaataan bixinta canshuuraha lagu hormarinayo Puntland.

.Kor u qaadista dareenka masuuliyadda iyo la xisaabtanka.

.La-dagaalanka musuqmaasuqa iyo ciribtirka musaqa.

.Miisaaniyad qeexan oo cadaynaya dhamaan daqliga Puntland soo galaya iyo meesha lagu jahaynayo.

Cadaalada,hirgalinta sharciga iyo geedi socodka dimoqraadiyadda. 

Walaalayaal cadaalad loo siman yahay  iyo sharciga oo la dhaqan galiyo waa arrimaa aan si dhaqso ah uga qaban doono haddii aan hoggaanka dalka qabto insha allaah,waxan u baahan nahay cadaalad shaqsi,oo wiilka baran jooga wiilka Buuhoodle jooga,wiilka Baargaal jooga iyo wiilka uu madaxwaynuhu dhalan ay u siman yihiin xaquuqda iyo waajibaadka dalka,waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in ladhayo boogaha ay damqayso cadaalad darada soo jireenka ah ee ku dhaqcday dad gaar ah iyo beelo gaar ah.

Waxaan sugi doonaa xaquuqda haweenka,caruurta iyo dadka la hayb sooco iyo kuwo laga tirada badan yahay,waxaa loo baahan yahay in la helo cadaalad deegaan oo deegaanadda Puntland u siman yihiin hormarka iyo addeega bulshada,hadaba waxaa arrimahaan oo dhan sahli kara waa iyadoo lasoo afjaro musuqmaasuqa korna loo qaado tayada maxkamaddaha si loo adkeeyo sharciga iyo kala danbaynta si markaasna aan u qaadano dhabaha saxda ah ee aan hiigsanayno inaan Puntland ku toosino.

Waxaa lagama maarmaan ah dhisid qaab cadaaladeed oo dhamaystiran iyo in la taabo gali in sharciga loo siman yahay,in la baahiyo addeega iyo illaha dhaqaalaha qof kastana uu helo xaquuqdiisa si uu u guto waajibaadka saaran,walibana addeegu waa inuu gaaro qof kasta oo reer Puntland ah iyo taako kasta oo Puntland ah.

Dimuqraadiyada.

Puntland waxay soo gaartay waqtigii laga gudbi lahaa qaabka qabaa’ilka oo loo tilaabsan lahaa waqtigii qof kasta uu codkiisa dhiiban lahaa,waa waqtigii hoos laga soo bilaabi lahaa doorashooyinka oo lasoo dhiraarin lahaa nidaamka dimoqraadiyaynta waxaa dhaqaale iyo waqtiba galin doonaa sidii loosoo afjari lahaa qaabka qabaa’ilka ku salaysan ee Puntland ka jira maanta,waxan dardar galin doonoo geedi socodka dimoqraadiyadda mudada aan madaxwaynaha ahayna waxay dhamaanaysaa iyadoo la gaaray waqtigii qof kasta uu dooran lahaa qofkii isaga matali lahaa.

**Dhulka maqan. 

Walaalayaal dhulka maqan waa boog ku taal Puntland waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool ,beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday,dhulku beel gaar ah kama maqna,faataxo laguma qabsan,faataxana kusoo laaban maayo,wixii siyaasad ku salaysan siyaasad baan ku maaraynaynaa wixii xoog looga maarmi waayana waxaa lagama maarmaan ah Puntland inay fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa,waxaa dadka Sool,Sanaag iyo Cayn lagu hoday haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantay waajibaadkeedii dastuuriga ahaa,waajibaadkeeda koowaad ee dowladnimadda Puntland waa inay difaacdaa nafta,maalka iyo sharafta muwaadinka Puntland.

Dib usoo celinta dalka maqan waxaa lagu maaraynayaa talo guud si masuuliyadeeda loo wada qaato cid gaar ahna aan lagu halayn,walaalayaal xildhibanada sharafta leh,murashaxiinta tartamaya waxaa lagu kala dooranayaa khibradooda maamul dowadnimo,khibradooda siyaasadeed,taariikhdooda waxqabad,aqoonta iyo fahamka ay ka qabaa geedi socodka iyo isbadalka ay Puntland u baahan tahay inay gaarto maanta,waxaan kalsooni ku qabaa inaad Puntland u dooran doontaan shaqsi wixii shaqaynaya horay usii wada,wixii ka dhimana ku abuuro waqti kooban si loo dabaalo baahida baahsan ee dalka ka jira.

Waxaan aaminsahay inaan ahay shaqsi ay u dhan yihiin sifooyinka aan kor kusoo xusay ee iskugu jira khibradda mamulka,siyaasada,dhaqaalaha,iyo fahamka ku aadan arrimaha federaalka,dastuurka iyo barnaamika dimoqraadiyada,xiriirka wadamada dariska ah iyo beesha caalamka.

Walaalayaal xildhibaanada sharafta badan aqoon iyo khibrad quri ahi ma dabooli karto baahida jirtaa,waxaa dabooli karta midnimo iyo wada shaqayn dhexmarta qaybaha kala duwan ee dowladdu ka kooban tahay sida baarlamaanka iyo xukumadda,waxaan wada shaqayn toos ah la yeelan doonaa gudoonka iyo xildhibaanadda Puntland si aan caqabadaha jira ugu maarayno si wada jir ah.

Waxaan si sharaf badan kalsooni badan idin waydiisanayaa inaad codkiina i siisaan.

DHAMAAD

Warbaahinta Puntlandtoday.com

 

 

RAMADAN: Makkah Khatam al Quran 1438 : Sheikh-AbdulRahman Al-Sudais (Dua)

CONTACT US:  lafweyne@gmail.com /admin@lafweyne.com. webmaster

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (1)


Comments are closed.

BAAQ NABADEED OO KU SOCDA DEEGAANKA BUUHOODLE 27.8.2017
- Aug 28, 2017

Hargeysa: Somaliland “Buuhoodle Shir aan Somaliland fasaxin Laguma qaban Karo.” (Video)
- Aug 27, 2017
Somaliland iyo Kooxdii Cali Khaliif  ayaa  maanta Hargeysa kasoo saaray waxay ugu yeedheen 10  ...
NOLOSHII MIYIGA OO GABAABSI KU DHOW (DAAWO)
- Aug 26, 2017

Somalia: The Toughest Place I’ve Ever Visited
- Aug 26, 2017
I was never quite sure if the 40 man military was surrounding us to protect us ...
Ka Faiidayso FADLIGA 10 KA HORE BISHA DUL XAJ/ CARAFO SH MAXAMED CABDI UMAL (Video)
- Aug 26, 2017

Madaxweyne Gaas oo laga waraystay; Makiinadda Lacagta, Laamiga Buuhoodle, iyo Doorashada Somaliland
- Aug 25, 2017
Weriye: Madaxweyne ka warran xaaladda guud ee Puntland? Gaas: Adeer xaaladda Puntland aad iyo aad bay u ...
MAQAAL: DAL BEEC AH IYO DADKIISOO GAAJEESAN
- Aug 25, 2017
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa laga joogaa muddo ka badan 27 sano. Intaa ...
Cabdirahmaan Ciro oo heshiisiiyey Baashe Maxamed Faarah & Cabdirahmaan Maxamed Maxamoud (Talyanle) (Video)
- Aug 25, 2017
Cabdiraxmaan Maxamed Cirro gudd. xisbiga Wadani ayaa dhexdhexaadiyey  Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan ...
Barnaamij Gaar oo ka hadlaya Afsoomaaliga Cismaan Cabdi Nuur Xaashi (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiis Laga Gaadhay Colaadii Buuhoodle (Video)
- Aug 24, 2017

Heshiish Nabadeed oo Laga gaadhey Colaadii Buuhoodle (Dhegeyso)
- Aug 24, 2017
Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Buuhoodle  waxgaradka beesha Axmed Garaad iyo ergooyinkii kala ...
Fidno Abuurka KDO (Raxan Khiyaano) Iyo Wiiqada Midnimadda Jaaliyadda Sool Sanaag Iyo Cayn
- Aug 24, 2017
Ummadda SSC-da oo ka mid ah Qoomiyad weynta Somaaliyeed maqaam gobeed iyo taariikh dahabi ahna ...
Gaas and the Floundered Presidency
- Aug 23, 2017
August 23, 2017 By Faisal Abdi Roble Introductory Remarks “To whom much is given, much is required,” ...
Labadii Beelood Ee Buuhoodle Shaqaaqada ku dhexmartay oo kulmay (Video)
- Aug 23, 2017

Qurba joogta Beesha Cali Geri (UK) Oo Raaligelin Ka bixiyey Hadalkii Abokor Sulub (Video)
- Aug 22, 2017
Qorbajoogta Jaaliyada Reer Cali Geri ee UK  oo canbaareeyay hadalkii kasoo yeedhay  Abokor Sulub ...
Content Protected Using Blog Protector Plugin By: Make Money.
Scroll Up