Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Caasimada cusub ee Somalia? (Dhegeyso)

Umada soomaaliyeed waxay dawlad ahayd lugaheeda ku taagan mudo 31 sanadood ah.waxaa ka horeeysay 10 sanadood oo daakhilayad ahayd hoos joogta talyaani.mudadaas waxaa kadanbaysay burbur iyo baaba xoog leh oo ay gacmahooda ku keensadeen soomaalidu kadib markii ilaahay u nicmeeyay siyay amaan iyo dawlad nimo iyo dhul dihin oo leh bad  wabiyo biyo durdurayaan dhul baxad wayn kaasoo ay hanan waayeen kasina waayeen inay iyaga iyo ubadkoodu ka faa iidaystaan dhulkaa kuna noolaadaan nabad iyo walaalnimo dhexdooda ah nasiib daro.

Dadka soomaaliyeed waxaa yar aad u yar inta wax taqaan leh aqoon diini ama maadi.waa duul aqoontu ay aad ugu yartahay guud ahaan dalka oo dhan.aqoon daridan waxay keentay markii burburku yimid inayba garan waayeen waxan wixii keenay? markay taa garan waayeen ma garan karaan sidee loo xaliyaa? wali ma dhicin in soomaali inta horboodaysaa inta wada fariisteen si miyir leh isu waydiiyeen suaalahaa kor ku xusan.

Tusaale ahaan mudo 22 sanadood ah laysma waydiin war soomaaliyeey ma dhici kartaa in aynu tijaabino in casimada aynu badalo? maxaa yeelay casimadii dalka 3 ninba ma xalin karaan kuwaas oo kala ah sidan.

1.Madax wayne soomaaliyeed oo kasoo jeeda gobolo ka baxsan mogdisho iyo nawaaxigeeda waa lagu fashilmay oo waa tii la tijaabiyay alle ha u naxariistee Madaxwayne Cabdullahi yusuf.waxaa shacabkii Mogdisho daganaa oo halbeel ah saynu wada ognahay yiraahdeen ODAYGU AARSI BUU WADAA IGADNA WAA LA OGYIHIIN.waxaa dhacday in qolkuu daganaa dhexdiisa madaafiic loogu geeyo madaxwaynihii.taasi xal noqon wayday oo nin gobolkale kayimid mogdisho waxba kama qaban karo.

2.Waxaa laysku dayay marar badan oo ilaa afar gaaraya in madax wayne laga dhigo shacabka mogdisho dagan siyaasi u dhashay sida Madaxwayne Cali mahdi,Madaxwayne SH.Shariif,madaxwayne Cabdiqasim iyo Madaxwayne Xasan sheekh oo hada ah ragaa oda yaasha ah waxay dhaafi waayeen xafiiskii ciidamada ajinabigu ku ilaaliyo marka laga reebo cali mahdi iyo cabdiqaasim oo iyagu ajinabi aanu ilaalinaynin balse hawshoodii kawadi waayay shacabka oo aan doonayn iyo iyagii oo tabar iyo maaro u waayay sidaana ku dhamaystay guul daro.shariif sidii ciidamo ajinabi ahi u ilaalinayeen yuu xilkii tiriyay oo waqtigii ka dhamaaday isagoo aan waxba ka qaban mogdisho haduu dadaalay iyo hadii kalaba natiijadaa la eegaa wuu guul daraystay dhibkuna waa shacabka oo aan rabin isna awood u waayay xoog iyo xeel midna.

Madaxwayne Xasan markiiba waakii la weeraray isagoon xafiiskiiba fariisan oo aan lahubinba in uu yahay madaxwayne dalka u fiican iyo inkale naxdintii uu naxay wakaa kabixila diyaarad la raaco iyo isku beegid shirarka caalamka kasocda oo aan danba u hayn nin burbursan oo gacan maran. maadaama shacabka mogdisho aysan doonayn oo uusan awood ulahayn in uu ka shaqeeyo mogdisho ee maxbuus kuyahay lagu waardiyeeyo madaxtooyada ajinabi gacan ku hayo muxuu qaban karaa? inuu iska dhoof dhoofo ayuu kabadin waayay mada uu dhab ahaan is ogyahay in uusan mogdisho waxba ka qaban karin xoogna u hayn isma dhibayo.

kuwani waa kuwii aynu islahayn bil in lagu tix galiyo u dhalashada reer mogdisho la ogaayoo beenawdayse. hadaba waxaa cadaatay in xaalka mogdisho rajo beel yahay oo cid qarnigan wax ka qabankartaa jirin waa inoo cadahay soomaaliyeey.

3.Waa ciidamada shisheeye ee kumanaanka gaaraya ee kusugan mogdisho iyagu halmaalin bay shacabka hubka uuga dhigi karaan ayagoo ugalaya guri guri una baaraya shaqsi shaqsi balse hadafkoodu maha inay shaqadaa qabtaan dalkana umaysan imaan noocaa sidaa daraadeed shaqadaa hubka dhigista iyo nabadaynta mogdisho iyo in dawladu shaqayso soomaaliyay u taal shacabkeeda iyo dawladeeda. halkaa waxaad ogaataan in ajinabi uusan marnaba inoo qabanaynin shaqada ah walaalkay oo wadani ah hubka ka dhig oo ii qabo si aan kadib markaad ii nadiifiso magaalada oo amaanka ii soo celiso aan u xukumo walaalkay tan ajinabi inaga yeeli waa. sidaa daraadeed cid xalinaysaa majirto mogdisho maxaa soomaaliyeey talo ah?

Waxay ilatahay in lahelo dad wadaniyiin ah oo kataliya in qaranka soomaaliyeed la caymiyo inta kahartay ileen hada waxaynu dib u dhacnay oo ka haray dunida 30 sanadood madaama aynu burburinay waxaynu dhisaynay 30 sanadood. waxaa iimuuqda wadada aynu hada haynaa waa wado aan lahayn ujeedo cad oo loosocdo mugdi ah rajana aan lahayn sidaa daraadeed 30 sano oo horleh ma kusii jiri karaa sidan?

Waxay ilatahay in aynu fahano xagee dawladu ku shaqayn kartaa madama madaxwayne xasan ku shaqayn layahay mogdisho? wasiir waa maga caaban yahay laakiin wasaarad shaqaysa malaha!! dawladiiba iyo baarlamaankii waa magac u yaal uun waa mushahar sugayaal uun shaqo malaha soctaa maadama amaan jirin lagu shaqeeyo.

Sidaa daraadeed soomaaliyeey waxaan qabaa in aynu qaadano fikirka xildhibaan SICIID DIIRIYE oo ah nin soomaaliyeed oo leh aragti dheer iyo wadaniyad kaasoo soo jeediyay in caasimada labadalo oo ah in dawladu hesho fursad ah meel ay ku shaqayso sida dawladaha caalamkuba u haystaan fursad ay ku shaqeeyaan.waxa uu mufakarkaa wadaniga ah ee soomaaliyeed soo jeediyay in laga dhigo caasimada magaalo dalkeena ka mid ah oo layiraahdo CEERIGAABO.runtii waa deegaan uu aad uga fikiray sida ay uugu haboon tahay halkaasi maanta caasimada cusub ee soomaaliya maxaa yeelay waa dagaan qabaw xigeen ah oo leh buuro quruxbadan aan u dhawayn xuduud shisheeye ku fiican nolasha beeraha iyo quruxda cimilada halkaa taal. run ahaan tii waa ceeb iyo doqonimo tii u danbaysay in aynu kala jeclaano dhulkeena inagoo ah hal umad iyo hal dal. ninbaa nasiib xumada soomaali haysata u arkaya in qabiilkiisa loo gafayo ama la xaqirayo hadii layiraahdo casimada halaga badalo mogdisho isagoo diidaya dagaanada isla dalka gudihiisa ah ee ay dagan yihiin umad soomaaliyeed hadaba sow xaq umalaha beelaha kalaba inay yiraahdaan ina kudiiday oo mogdisho kuugu imanmaayo madama uu soomaalinimadii qabiil ka doortay. sidaa daraadeed reerkaygu meeshaa madago iyo reer hebal utagi maayo aqli maha u jeedada loo badalayo caasimadana sidaa maha.
Halkan Riix:Caasimada Halaga dhigo Ceerigaabo
Ujeedada loobadalayo caasimada waa xal uraadin qarankan soomaaliyeed ee sii lumaya.waxaad arkaysaan in caalamku had iyo jeer badalo caasimada iyagoo ka fakaraya maslaxada dalkoodo oo u jeeda sabab keenaysa in labadalo.inaga soomaali ahaan hada duruufaa inagu qasbaya in aynu raadino deegaan dawladi ku shaqayso inagoo waliba aan u baahnayn shisheeye dawladeena inga waardiyeeya sidii horarkii waa ceeb iyo duli nimo aad u xun.aduunkii oo dhan baa inala yaaban afrika carab iyo reer galbeedba. anigu kuma mashquulsani halka la dagayo meel aan gaar u tilmaamayana majirto ee waa in uun lahelo meel dalkeena kamid ah oo aynu ka dhigano caasimad cusub dalku waa isugu kaymid mana kala jecli laakiin mogdisho xiligeedii waa dhamaaday waa uun ka guuris xaga dawlada taa macnaheedu maha in aysan magaalo sii ahaanaynin waa jiraysaa waxaana ku noolaanaya inta hada ku nool iyo ninkii u arka in uu ku noolaan karo oo dhanba hada waxa guurayaa waa dawlada oo rabta meel ay ku shaqayso.

Hindisaha indheer garad SACIID waa in lataageeraa oo madaxwaynu siiyaa taageerada ugu horaysa si loo bad baadiyo umada soomaaliyeed iyaguna u helaan taariikh fiican oo bari looga daydo ma waxay kala jecl yihiin mogdisho iyo magaalooyinka kale ee soomaaliya? waxaan baarlamanka ka cod sanayaa in xalwaara loo helo sidii soomaali u heli lahayd magaalo dawladi ku shaqayn karto ayadoo aan cidna dawlada wax u dhimi karin amaankeeda si baarlamaanku u yeesho dhaq dhaqaaq shaqo iyo sharaf.wax diinteenu ay inoo diidayso maha in laga guuro mogdisho sababahan jira awadood.mana aha in qabiil gaar ah loo dan leeyahay iyo wax lamid ah mana loo fasiri karo madama qabiil uusan lahaan karin caasimad arintu waa wax dhab ah oo aynu wada aragno waxaynuna nahay xaldoon.waxaa kaloo jirta mogdisho dulmi badan baynu kusamaynay soomaaliyeey dhiig baa ku daatay xaqdaraa lagu kala galay hanti baa lagu kala boobay shacabku kuma caafimaad qabo mogdisho danbe mana rabaan xataa inay xasuustaan halaagii ka dhacay dartiis qof gaarana laguma eedaynayo waa dhib aynu soomaali haan isu gaysanay hadaba meesha saas ah in laga dagaan badasho waaba arin sideedaba quruxbadan oo dadkii soomaaliyeed isu soo dhawayn oo niyada u dhisi oo waa wax cusub oo keenaysa farxad iyo baal cusub ufiirsada arintaa faa iido ayaa ku sugnaatay niyada shacabka ah hadaba ku soo shawaada waxii horana iska ilooba casimada cusub ee soomaaliya CEERIGAABO madaxwaynaha iyo wasiirka koobaad iyo baarlamaanku hasoo dhawaadeen farxad iyo shacab idinla shaqeeya u imaada si aad u noqotaan madax dhab ah ileen hada madax ma tihiin iyo wax xataa u dhaw marka dhab ahaan xaalkiina la eego.

Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com

Abwaan Tima Cadde-2 oo markale kasoo baxay G.Waqooyi: Farxaan Ismael Maal (Farxaan Yare)

Gabay: Abwaan Cabdi Shube (Dhacduba madal bay lahayd)

Hees-Hoobaalayoow Heedhe-" Soomaalaay wax noo  dan ah ayaan idin dareensiine' e"

Contact us @: admin@lafweyne.com // lafweyne@gmail.com/ Web  CPLogin webmaster
Share

Halkani Hoose Ka Dhiibo Fikradaada (0)


You must be logged in to post a comment.

Dhuxul Badhan: Odayaasha degmadda Badhan oo amar ku bixiyay in la gubo gaarigii lagu arko isagoo dhuxul sida (Dhegeyso)
- Mar 22, 2015
Odayaasha dhaqanka ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag iyo ciidamada amniga Puntland ee gobolkaas ...
TARSAN (2) Waraysi: Maxamud Axmed Nuur (Tarzan) “Inta qof Somali ahi qof kale oo Somali ah hantidiisa haysto, Xamar caasimad noqon mayso.”-weriye Shukri Afrah 20 03 2015
- Mar 22, 2015
Weriyaha Somali Channel  Shukri Afrax  ayaa waraysi gaar la yeelatay Maxamud Axmed Nuur (Tarzan)." ...
Jacob Zuma.world-leader-salaries-south-africa World Leaders Annual Salaries
- Mar 22, 2015

Hanti_Dhowrka_Guud_Somalia HANTI-DHOWRKA GUUD: Waxaa lasoo bandhigayaa Musuqmaasuqa dhaqaale.
- Mar 21, 2015
Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya, Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa shaaciyay maanta in guddiga ...
Key Kay: Muddo Kordhin ma jiri doonto 2016-ka kaddib (Dhegeyso)
- Mar 21, 2015
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa ...
Xuddun5-300x225 Dugsiga farsamada gacanta ee degmadda Xuddun oo agabkii ugu horeeyey loo raray iyo baaq loo diray Qurba Joogta SSC. (Video)
- Mar 21, 2015
Xili dhowaan la dhagax dhigay dhisme dugsiga sare oo farsamada gacanta ah oo laga ...
Prof.Dalxa Xildhibaan Dalxa “Xasan Sheekh isaga u Sareeya Dalka Wana Kala Diri Karaa Golaha Adeega Garsoorka ” (Dhegeyso)
- Mar 21, 2015
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanaayasha barlamaanka Somalia ayaa ka hadlay kaladiristii ...
Ogeysiis11 SHIRWEYNE KHAAS AH: Beelweynta Muxamed Siyaad Maxamuud (Ugaadhyahan)
- Mar 21, 2015
OGEYSIIS MUHIIM AH UJEEDDO:- SHIRWEYNE KHAAS AH  Waxaa la ogeysiinayaa si xushmad lehna loo gaadhsiinayaa dhammaan ...
Cabdullaahi-Maxed-Jaamac-Quraan-Jecel-150x120 Puntland oo marti galinaysa shirka Faderaalismka Soomaaliya (Dhegeyso)
- Mar 21, 2015
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Marti galinaysa Shir loog hadlayo Faderaalismka oo ay kasoo qayb ...
tacsi Xubno ka mid ah ururkii NSUM Oo Tacsi U dirya Qoyskii , Qaraabadii Iyo Guud ahaan shacabka reer SSC, Geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Eng. Maxamed Xasan Buraale.(AHN)
- Mar 21, 2015
Inaa’lilaahi waa’inaa ileyhi Raajicuun. Geeriddu waa Xaq,   waxaanu halkan tacsitiraanyo leh ugadiraynaa  dhamaan eheladii iyo qaraabadii ...
maqaal1 Warqad Furan Oo Ku Socota Shacabka Somaliya Q.2aad. W/Q:Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
- Mar 20, 2015
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Rabigeena Qaadir ahi haddaanu ...
vision-740x512 Faaqidaadda Todobaadka iyo Higsiga 2016 (VOA)
- Mar 20, 2015
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka waxa uu ku saabsanyahay Higsiga 2016 waxyaabaha ka suurtagalay, iyo waxyaabaha ...
Massive wall Beyond Somalia’s massive security wall (Video)
- Mar 20, 2015
A wall splits Somalia’s capital Mogadishu in two. One side, known to Somalis as ...
Warancadde oo kasoo xoogsaday dawladii Somalia -kana mid ahaa saraakiisii NNSta kuna Nuur Bidaar, waxdii socdalka. Warancadde ” waryaa Xamar wax ima weydiin karto aniga.” (Daawo)
- Mar 20, 2015
[caption id="attachment_28004" align="alignnone" width="265"] Warancadde oo kasoo xoogsaday dawladii Somalia -kana mid ahaa saraakiisii ...
Sh.-Maxamed-Idiris Sheekh Maxamed idiris oo digniin culus u diray madaxda dalka Soomaaliya, Kana digey hanti la lunsanayo iyo Arimo kale (Daawo)
- Mar 20, 2015
Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sh Maxamed Idris Axmed ayaa digniin culus u diray Madaxda ...

CONTACT US

Comments or questions are welcome. Defamatory, abusive, obscene, foul, vulgar, hateful or otherwise baseless personal attacks are not allowed. If you violate this policy, your comment will be removed and your account may be banned.

* indicates required field

Powered by Fast Secure Contact Form

  CLogin

Maxadka Diiniga ee Degmada Xuddun

Salaada: Odoyaal & Cuqaal ku baaqay in laga qayb qaato dhismaha schoolka Farsamada gacanta ee degmadda Xuddun: xud-1-14-300x2251-300x225